Deeq A. Posted October 18, 2024 Allaha u naxariistee waxaa qarax ka dhacay maqaayad ku taalla aagga iskool buluusiya ku geeriyooday Abwaan Sugaal Cumar oo kamid ahaa hoollada qaranka waaberi iyo kooxda heegan ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed. Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ku dhashay gobolka Mudug sida uu ku sheegay wareysi uu horey u siiyay goobjoog TV, balse ma uunu xaqiijin xilliga rasmiga ah ee dhalashadiisa maadaama uu ku dhashay dhul miyi ah, balse waxaa lagu rumeysanyahay inay ahayd hillaada 1950-meeyadii. Yaraantii asagoo miyiga ku nool ayuu tumi jirey cayaarta dhaantada oo uu weli aad ugu wanaagsanaa sida uu sheegay, wuxuuna magaalada Muqdisho u soo wareegay sanadkii 1965-tii xilligaas oo asagoo magaalada Gaalkacyo gabayo ka tiriya ciidanka booliska Soomaaliyeed ay qorteen, ka dibna Xamar loo soo badelay. Markii uu booliska ku biiray Abwaanku wuxuu kamid noqday kooxdii heegan ee Ciidanka Booliska, wuxuuna sameeyay heeso badan oo wadani ah oo qaarkoodna uu asaga qudhiisu qaaday, qaar kalena uu erayadooda lahaa. Dagaalkii 77-dii Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ka mid ahaa Fanaaniintii Ciidanka gubaabinayay, waxayna riwaayado iyo Suugaan dhiirigelin ah ka dhigeen dhammaan goobihii Dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xabashidu ku dirirayeen. Suugaanta Abwaan Sugaal ayaa isugu jirta gabayo, heeso, riwaayado, laxan iyo music, waxaana riwaayadiisa kamid ah Xujo guur iyo xaal masruuf, magaalo joognimo xumo iyo kuwa kale. Gabayada iyo maasooyinka Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar waxaa ayagana kamid ah: – Duuduub Haloo Liqo-Gardarada Ciraaq-Garwaaqsi-Belaayadu Fal Weeyee-Wadajir-Dhalanteed-Alloow Boogta Dawee-Ikhyaareey-Shahiid-Dagaal Gelin 1977-Midnimo– miyaydnaa arkayn iyo qaar kale. Halka heesihiisana ay ugu caansanyihiin:– Layla oo uu asaga qudhiisu ku luuqeyn jirey. -Allaahu Akbar oo ay qaaddo kooxda Heegan -Anba Waan Hiloobay oo qaadaan Cabduqadir geeddi iyo Xabiibo Bashiir) -Anigu Soomaali Baan Ahay(Faadumo Duur) -Baloolleey oo ay qaaddo kooxda Heegan) – Basra oo ay qaaddo Siciid Toom -Ciiddeennu Waa Dahab oo uu qaado Cali Cismaan (Cali Ukun) -Cuna Mallayga oo uu qaado Maxamed Cumar (Jirde) -Qabyaaladda Waa Lagu Curyaamaa oo ay asaga kooxda heegan isku jiibiyaan iyo kuwa kale. 12)- Dab Ku Shida Gumaysiga(Luul Xasan & Timiro Xasan)13)-Dad Waa Is Baran(Heegan)14)-Dalka Hooyo(Sugaal)15)-Dalkaygaan Doonayaa(Aadan Cumar -Aadan Biid)16)-Degmada Dhulkayga(Maxamed Maxamuud Gaafoow)17)-Dhagax Buur(Muxsin Cabdalla)18)- Dhaqaalaha Waddanigaa19)-Dhasheeday Aamintaa( Mowliid Maxamed Cismaan)20)- Dhaayaha Waddaniga(Heegan)21)-Fadhigaad Eersateen(Mawliid Maxamed Cismaan)22)-Geeddiga Wadaay(Sugaal)23)-Gobonnimo Macaanaa(Axmed Cawed Ismaaciil)24)-Hala Helo Dan Guud(Axmed Nuur Jaangow, Cabdullaahi Xalwo & Sahra Ciileeye)25)-Hanadoow(Sahra Daahir Yuusuf)26)-Himilo( Siciido Cabdi Muuse)27)-Hurdo Miyaan Ledaa(Sugaal)28)-Kacaankeennu Guullanaa(Heegan)29)-Kaaha Ubaxa(Ibraahim Baadil & Luul Axmed)30)-Layla(Sugaal)31) Laydii Labaad(Sugaal)32)-Ma Iska Kaa Hilmaamaa(Siciido Cabdi Muuse)33)-Ma Oggolin(Cawil Maxamed Shirwac)34)-Magacii Baa Ba,ay(Sugaal)35)-Marwo Haween(Maxamuud Amoore & Samsam Cali Rooble)36)- Nabadeey Kaalay( Sugaal)37)-Nabsi Gaaxday(Sahra Xasan Maxamed)38)-Qabyaaladda Waa Lagu Curyaamaa(Sugaal & Kooxdii Heegan)39)-Qurratul Cayn( Ibraahim Baadil)40)-Rafiiq( Siciid Toom & Sahra Xasan)41)-Saara Nacabka( Heegan)42)-Ha Ku Socoto Sidii Loogu Talo Galay( Heegan)43)-Soo Socdaay(Maxamuud Cabdille Guuleed & Sahra Daahir)44)-Sow Ma Diidin Samihii( Heegan & Ubaxa)45)-Sow Ma Aha Gartay?( Sugaal)46)-Summad(Faadumo Duur)47)-Tacabka( Heegan)48)-Udub Naga Dhexeeya( Heegan)49) Urugo Kalgacal(Deeqa Axmed Raage)50)-Waa Cadaab Gumaystuhu(Cismaan Axmed Jacayl)51)-Waa Tallaal Xorriyaddu(Cabdullaahi Xalwo & Xaliima Muuse Milaano)52)-Waddaniga Ordaayoow(Mowliid Maxamed Cismaan)53)-Waddadan Toosan(Maxamed Cabdille Guuleed)54)-Wax Qabasho Wacad Ku Qaad(Cabdulqaadir Maxamed Shabeeley)55)-Xorninada U Dhiidhiya( Deeqa Axmed Raage & Heegan)56) Haddii Aan Ka Tago Xamar XamdiyeeyIyo Qaar Kaloo Badan. Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar Allaha u naxariistee wuxuu ahaa hal-abuure suugaantiisu ay ku suntahay baalka gobanima doonka, islamarkaana maasooyinka diiradda ku saari jirey guubaabada bulshada. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites