Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Mogadishu: Hundreds of mujahideen graduate from military training program

Recommended Posts

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo maanta boqolaal Ciidankooda ah tababar ugu soo gabagabeysay magaalada Muqdisho

 

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta boqolaal Ciidankooda ah waxa ay tababar ugu soo gabagabeeyeen magaalada Muqdisho.

Goobta ay ka dhacaysay Munaasabadan Askar katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab tababarka loogu soo gabagabeenayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo qudbado kala duwan u jeediyay Ciidamadii tababarka loo soo gabagabeeyay.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo kamid ah Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa uu u sheegay Ciidamadii tababarka loo soo gabagabeeyay in ay la dagaalamaan Ciidamada Burundi, Uganda iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo isna halkaasi kula hadlay Ciidamadii tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa waxa uu u sheegay Ciidamadaasi in looga fadhiyo in ay bur buriyaan Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka iyo Maxkamada Caalamiga ah isagoona Ciidamadaasi ugu baaqay in ay si dhab ah u jihaadaan, waxaana uu intaasi raaciyay in uusan wax qilaaf ah u dhaxeyn Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururk Xisbul Islaam islamarkaana ay midoobidoonaan sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii waxaa goobtaasi ka hadlay Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere waxaana uu sheegay in Ciidamadan aysan aheyn kuwo laga keenay dalka dibadiisa balse ay yihiin kuwo ka soo baxay Xeryo tababar oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku leeyihiin gudaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this