ANWAR Posted January 20, 2008 Mogadishu 20 Jan. 07 (Sh.M.Network)- Ra’isul wasaaraha xukuma Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa markii ugu horeysay soo gaaray manta Magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul waraare nimada xumada federal Somalia isaga iyo golihiisa wasiirada cusub oo dhawaan la ansixiyay. Waxaa garoonka caalamiga Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada poliska,xooga dalka,mamulka G/baanadir iyo ciidamada qalabka sida oo ay horkacayeen baan beeda , halkaasoo reysal wasaaraha salaam sharaf uu kaga Gudoomay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somalia iyo waliba ciidamada amisom iyo kuwa Ethiopia. Kadib markii lagu soo dhaweeyay Nuur Cadde ayaa waxa uu shir jaraaid ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu sheegay Ra’isul wasaaraha madama xukuumadiisa dhibatoyin loo qabo in ay timaado magalada Muqdisho Si ay wax uga Qabato dhibatada waqtigaan ka taagan Gobolka Banaadir waxaana uu xusay in uu Xukuumadiisa ay masuul ka sarantahay ilaahna ununan ku Ceeybeeynin Xilka ka saaran ka samata bixinta dhibaatada ay la daala dheceeyso ummadda Somalia ayuu yiri Nuur Cadde. Ra’isul wasaaraha Somalia ayaa ka codsaday dhamaan masuuliyiinta iyo bulshada rayidka in ay gacan ku siyaan sidii amanka magaalada loo sugi lahaa si xukuumada ugu shaqeeyso, ayna xiliga xukuumada ka dhiman in ay ku dadaali doonaan howlaha horyaala xukuumadiisa . Col .Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu balanqaaday in xukuumadiisu dhamaan dalka ay gaarsiin doonto axsaab siyaasadeed taasoo looga Gudbi doono nidaamka 4.5 loona gudbo Somali siman . Ra’isul wasaaraha waxaa uu ugu baaqay Ururada bulshada rayidka in ay gacan ka geystaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dowlada iyo shacabkooda kaalintooda ka qaataan oo ay dowladoodana garab is taagaan “Dowladu waa qaadumka shacabka,dhaliin waa loo soo jeedin karaa iyo wax qabadka wanaagsan ay qabato.Dowladu diyaar ayay utahay in nabad galyada ay ka shaqeyso si loo helo jawi dagan oo nabadeed gacanna laga geysto sidii Magaalada Muqdisho nabad loogu soo dabaali lahaa” Ayuu yiri Ra’isul wasaaraha Nuur Cadde. Ra’isul wasaaraha Somalia waxaa uu ka Codsaday in Mucaaradkuna ay kala shaqeyaan xasilinta dalka iyo bulshada reer Muqdisho. Ra’isul wasaaraha Somalia Col Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa amaan balaaran u jeediyaya warbahinta xurta ah sida ay wax ugu tabiyaan shacabka wararka xaqiqda ah ee xaaladaha ka jira Magaalada Muqdisho. “Saxaafadu waa muraayad laga fiirsado waxa ka jira Dalka Somalia Dowladu waa ay dhoowreeysaa xuquuqda wariyaasha iyo warbaahinta Xurta ah ee ka howlgasha Dalka Somali gaar ahaan Magaalada Muqdisho xili waliba”ayuu yiri Ra’isul wasaaraha Somali Nuur Cadde. Amaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weeyn u dhoowrayay Ciidamada Booliiska Somali waana markii ugu horeeysay ee ay ciidamada Booliiska Sugayeen Amaanka waaxaana looga bartay in marka ay sidan oo kale jiraan in ciidamada Ethiopianka ay ka qeeyb qaataan Suguda Amaanka ee Magaalada Muqdisho. Imaanshiyaha Ra’isul wasaaraha somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ayaa ah kii ugu horeyay ee uu ku yimaado dalka tan iyo markii xilka loo doortay lama oga imaanshiyah Ra’isul wasaaraha waxa ay ka badali karto xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho oo ay waayadan danbe isa soo tarayeen dhibaatada ka taagan. http://www.shabelle.net/view_contents.php?articleid=618 Good picture Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted January 20, 2008 hmmm! when did the Somali flag become a decorative garment? and to a drum? Give me a break! I think the Habashi is talking without actually speaking. It does serve as a metaphor that they're beating us left, right and center. Amaanka iyo nabad sugida uu ka hadlaayo maxay tahay? Wuxu ma indho la' yihiin? Nimankaa caloosha ween aaba iigu daran oo bugta ku haayo Calanka Soomaaliyeed. Ish! Quote Share this post Link to post Share on other sites