General Duke Posted September 29, 2007 Xubno ka socda maamulka Somaliland oo si qarsoodi ah ku yimid Laascanod Waxaa xalay soo gaaray magaalada laascaanood wafdi ka socda dhinaca maamulka la magac baxay Soomaaliland, kuwaasoo isugu jira xildhibaano iyo saraakiil ciidan. Wafdigan waxaa hogaaminaya Abaanduulaha ciidamada Maamulka Somaliland Col.Ibraahim Cardiid waxaana ka mid ah Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland iyo xubno kale waxaana ay wateen ilaa lix baabuur ah nooca dagaalka. Waxaa la sheegay in raggaasi soo galay magaalada Laascaanood ay ka yimaadeen dhinaca degmada Kalabeyr ee gobolka Sool, iyagoo ku hubeysnaa ilaa lix gawaarida tiknikada ah. Xubnaha ka mid ah maamulka Somaliland Waxayna haatan ku sugan yihiin dhinaca koonfurta laascaanood iyagoo halkaasi kulamo kula leh saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo odayaasha dhaqanka. Imaanshaha xubnahan ka socda maamulka Somaliland ay xaley yimaadeen magaalada Laascaanood ayaa waxay magaalada ka dhalisey xiisad iyadoo laga cabsi qabo inay keento arintan iska horimaad sida ay tibaxaayaan wararku. Axmed Max'ed Jaamac (Suufi) SBC International Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites