Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka ku dhintay dagaal beeleedyada ka socda Kenya oo sii kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Tana River, oo ka mid ah deegaanada ku yaalla xuduudda u dhexeysa Garissa iyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, waxaa ka dhacay isku dhacyo hubaysan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalladan waxaa ka qaybgalay labo beelood oo isku khilaafay arrimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo helitaanka kheyraadka sida biyaha, taasoo qayb ka ah isku dhacyada soo noqnoqda ee ka jira gobolkaasi.

Iska hor-imaadkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 18 qof, iyadoo la sheegay inay jiraan dhaawacyo badan iyo dad barakacay. Xaaladda ayaa cabsi gelisay bulshooyinka ku nool xadka Tana River iyo Garissa, oo hore ugu soo jiray dagaallo beeleedyo salka ku haya dhul iyo xoolo-dhaqato, gaar ahaan xilliyada abaarta oo sii xumeeya isfahan la’aanta dhinacyada.

Ururrada bulshada rayidka ah ee Waqooyi Bari Kenya ayaa ku baaqay in nabad la adkeeyo oo labada beel ay xal nabadeed ka gaaraan khilaafaadka jira.

Waxay carrabka ku dhufteen muhiimadda ay leedahay wadahadal iyo dib-u-heshiisiin, si looga hortago in colaadaha sii fidaan oo ay saameeyaan deegaanada kale ee gobolka.

Waxaa sidoo kale baaq loo diray mas’uuliyiinta dowladda si ay ugu dadaalaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa, islamarkaana loo caawin lahaa dadka ka barakacay guryahooda, kuwaas oo hadda wajahaya xaalado adag.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobollada Waqooyi Bari ay weli la daalaa-dhacayso saameynta abaarta iyo nuglaanshaha kheyraadka dabiiciga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this