Deeq A. Posted October 16 Koox hubeysan ayaa Saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen ganacsato ku leh dukaamo xaafadda Zoonakey ee degmada Hodan ku toogtay halkaasi sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Dukaamada ayaa la sheegay in ay ku dhex jireen ragga la dilay. waxaana falkaan loo aaneeyay in ganacsatadaan dhawaan ay xirteen Kaamirooyinka amniga. Laba ka mid ah dadka la toogtay ayaa la sheegay in ay geeriyoodeen markii isbitaalka la geeyay. Dukaamada uu falku ka dhacay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo isku dhagan. Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay iyadoo halkaasi ay gaareen Ciidanka Ammaanka Soomaaliya. Ciidanka Ammaanka ayaa soo furtay Kaamirooyinkii ku xirnaa dukaanka si loo aqoonsado Kooxda falka geysatay. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites