Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb-galay shirka Baarlamaanka adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

Shirka waxaa sanadkan looga hadlayaa ka faa’iidaysiga sayniska, teknoolojiyada iyo hal-abuurka (STI) si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara,waxaana madaxa ka qeyb galeysa shirka inta uu socdo is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa waxa uu kaga hadli doonaa xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha dowladu ay ka gaartay la dagaalanka Argagaxisada, aminga guud ee Dalka iyo sidoo kale horumarka jira.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this