Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagareen oo amray in aan la’aasin sarkaalkii la dilay iyo ilaaladiisa, kiis adagna ku furay DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-iyo-Lafta-gareen.jpeg?fit=2500%2C1

Afgooye (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la kulmay xubno kamid ah maamulka degmada Afgooye, wuxuuna kala hadlay kiiska askartii habeen ka hor lagu laayey degmadaas ee ka tirsanaa nabad Sugidda Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxweyne Laftagareen ayaa maamulka degmada ka dalbaday in aan la aasin meydka askartii lagu laayey Afgooye.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dilka askartaas ku eedeeyay ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira khilaaf culus u dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Laftagareen ayaa maamulkiisa u sheegay in aan lagu kalsoonaan karin dowladda dhexe, lana aasi karin askarta dhimatay.

Sidoo kale Laftagareen ayaa ehellada iyo maamulka degmada Afgooye ku qanciyey inuu socdo baaritaan, isla markaana lagu xisaabtami doono kiiskaan, inta baaritaankaasi uu socdo ayuu dalbaday in aan la aasin meydka oo isaga laga war sugo.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa habeen hore isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaas.

Gurigiisa ayaa saq-dhexe lagu weeraray, laguna dilay, weerarkaas waxaa geystay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, sida markii horaba ay sheegayeen xogaha hordhaca ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkaas ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan, waxaana degmada Afgooye gilgilay banaanbaxyo dadweyne.

 

The post Laftagareen oo amray in aan la’aasin sarkaalkii la dilay iyo ilaaladiisa, kiis adagna ku furay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this