Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo heshiis ka gaaray khilaafkii u dhexeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xegeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis ka gaaray khilaafkii maalmahan ka dhex aloosnaa.

War qoraal ah oo uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu  sheegay in Guddoomiyuhu uu u tanaasulay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ka dib talo-bixin uga yimid dhinacyo dhexdhaxaadiyaal ah, islamarkaana mudane Saalax Axmed Jaamac uu sii wadan doono shaqadiisa Senator-nimo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa war qoraal ah oo uu arrintan uga hadlay ku sheegay in khilaafkii asaga iyo guddoomiye cabdi Xaashi u dhexeeya la soo afjaray, wuxuuna u mahadceliyay masuuliyiintii dhexdhaxaadiyay labada dhinac.

Khilaafka labada mas’uul ka dhashay tillaabo uu qaaday guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahayd in uu ku dhawaaqay in Senator Saalax Axmed Jaamac uu soo xaadiri waayay kalfadhiyadii Golaha sidaas darteedna xilka uu lumiyay oo kursigiisa loo dhaarinayo qofkii kula tartamayay xilligii doorashada, balse waxaa arrintaas ku biya-diiday mudaneyaasha golaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this