Sign in to follow this  
Deeq A.

Is rasaasayn khasaare sababtay oo saaka ka dhacday degmada Badhan ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1728885300582.jpg?resize=720%2C42

Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay ka dhacday is raasaasayn xooggan oo khasaare sababtay.

Is rasaasaynta ayaa dhexmartay ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidan ilaalinayay rag sheegtay in ay yihiin guddiga siyaasadda Maakhir kuwaasi oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee degmada  Badhan kadib markii hor istaag lagu sameeyay wefdigii doonayay in ay magaalada galaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo hadda aysan gudaha Badhan gelin xubnihii sheegtay guddiga siyaasadda Maakhir oo ay ku sugan yihiin bannaanka balse weli isku dayayaan in ay socdaalkooda sii wataan.

PUNTLAND POST

The post Is rasaasayn khasaare sababtay oo saaka ka dhacday degmada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this