Cowke Posted June 20, 2010 Wasiirka Maaliyada Puntland oo fadhi rasmi ah la qaatay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Australia June 20, 2010 Wasiirka Maaliyada Puntland, Mudane Faarax Cali Jaamac oo booqasho rasmi ah hadda ku jooga dalka Australia ayaa maalintii bisha Juun ahayd 18ka kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Australia Mudane Lindsay Tanner. Labada Wasiir ayaa si qota dheer uga wada hadlay xaallada Puntland imminka ku sugan tahay iyo wixii dawlada hadda ka talisa oo uu hogaaminayo Mudane Cabdirahman Mohamud Mohamed (Faroole) oo ay ku jiraan dad badan oo reer Australia ahi ka qabteen arrimaha dhaqaalaha, bulshada, amniga iyo xiriirka caalamiga ah. Wasiirka Maaliyada Australia ayaa ka waraystay Wasiirka xaallada guud ee mandiqada iyo rajada lagu qabo xaalka Soomaalia. Wasiirka Puntland ayaa rajo ka muujiyey xaallada Soomaaliya, wuxuuna Mudane Faarax Wasiirka ku adkeeyey in caalamku iska kaashadu Australiyana door ka qaadato sidii nabad buuxda loogu soo celin lahaa Soomaaliya si loo badbaadiyo ummada Soomaaliyeed oo labaatankii sano oo ugu dambeeyey dhibaato ka haysatay xagga kala dambaynta. Wasiirku wuxuu kaloo kala hadlay sidii dawlada Australia ugala shaqayn lahayd Dawlada Puntland sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada burcad badeeda arrintaas oo ah mid amniga Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka wax u dhimaysa haddii aan si wadajir ah wax looga qaban layskana kaashan. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii Australia kaalmo farsamo ugu fidin lahayd Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Labada Wasiir ayaa isku afgartay dhamaan wixii la isla soo qaaday waxayna isla meel dhigeen in la sii wado xiriirka Puntland iyo Australia. Is-aragaan labada wasiir ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Australian Puntland Diaspora Forum waxaana shirka goobjooge ka ahaa Madaxa ururka Omar Mohamud Dhollawaa, iyo Ayaanle Jaamac oo xubin ka ah qurjoogta reer Puntland ee Australia. Shirka oo socday muddo dheer ayaa wuxuu ku soo gabagaboobey is-afgarad iyo in la sii xoojiyo xiriirka Australia iyo Puntland. Shirwac M. Jaamac Melbourne, Australia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 20, 2010 Excellent Job Puntland Minister. This is great news that our ministers are strengthening ties with their counterparts around the world. By the way I am certain omar srilanka on the rightf who is truly great patriot is doing wonderful job for Puntland. Keep up the hard work boys!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 20, 2010 Puntland Finance Minister Speaks To Radio Daljir Regarding Puntland Economical Development Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 21, 2010 Shire oo la kulmey Lindsay Tanner 20 Jun 20, 2010 - 7:09:48 AM W. Maliyada Puntland Farah Ali Shire, W. Maliyada Australia Lindsay Tanner & Madaxa PDF ee Australia Omar Dholawa Wasiirka Maaliyada Puntland, Mudane Faarax Cali Jaamac oo booqasho rasmi ah hadda ku jooga dalka Australia ayaa maalintii bisha Juun ahayd 18ka kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Australia Mudane Lindsay Tanner. Labada Wasiir ayaa si qota dheer uga wada hadlay xaallada Puntland imminka ku sugan tahay iyo wixii dawlada hadda ka talisa oo uu hogaaminayo Mudane Cabdirahman Mohamud Mohamed (Faroole) oo ay ku jiraan dad badan oo reer Australia ahi ka qabteen arrimaha dhaqaalaha, bulshada, amniga iyo xiriirka caalamiga ah. Wasiirka Maaliyada Australia ayaa ka waraystay Wasiirka xaallada guud ee mandiqada iyo rajada lagu qabo xaalka Soomaalia. Wasiirka Puntland ayaa rajo ka muujiyey xaallada Soomaaliya, wuxuuna Mudane Faarax Wasiirka ku adkeeyey in caalamku iska kaashadu Australiyana door ka qaadato sidii nabad buuxda loogu soo celin lahaa Soomaaliya si loo badbaadiyo ummada Soomaaliyeed oo labaatankii sano oo ugu dambeeyey dhibaato ka haysatay xagga kala dambaynta. Wasiirku wuxuu kaloo kala hadlay sidii dawlada Australia ugala shaqayn lahayd Dawlada Puntland sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada burcad badeeda arrintaas oo ah mid amniga Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka wax u dhimaysa haddii aan si wadajir ah wax looga qaban layskana kaashan. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii Australia kaalmo farsamo ugu fidin lahayd Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Labada Wasiir ayaa isku afgartay dhamaan wixii la isla soo qaaday waxayna isla meel dhigeen in la sii wado xiriirka Puntland iyo Australia. Is-aragaan labada wasiir ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Australian Puntland Diaspora Forum waxaana shirka goobjooge ka ahaa Madaxa ururka Omar Mohamud Dhollawaa, iyo Ayaanle Jaamac oo xubin ka ah qurjoogta reer Puntland ee Australia. Shirka oo socday muddo dheer ayaa wuxuu ku soo gabagaboobey is-afgarad iyo in la sii xoojiyo xiriirka Australia iyo Puntland. Shirwac M. Jaamac Melbourne, Australia Quote Share this post Link to post Share on other sites