General Duke Posted July 16, 2008 Wasiirka Amniga Puntlad Cabdulaahi Siciid Samatar oo Safar aan horay loo sii shaacin ugu Ambabaxay Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag Arbaco, July 16, 2008(HOL): Wafdi heer sare ah oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Dawlada Goboleedka Puntalad Cabdulaahi Sicidiid Samatar ayaa maanta u amba baxay Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag , xilli Degmadaasi ay ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan Maamullka Puntalnd. Safarka uu Wasiirka ugu amba baxay Degmada Laas-Qoray waxaa ku wehliyay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso. Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Puntland Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa sheegay maalmo ka hor in Ciidamada Puntland ee ku Sugan Degmada Laas-Qoray lagu kordhin doono kuwo kale oo sugan Xuduudaha Puntland ay la wadaagto Maamulka Somalland. Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa la kulmi doona inta uu ku Sugan yahay Degmadaasi Laas-Qoray Taliyaha Ciidamda Darawiishta Maamulka Puntland ee Degmada Laas-Qoray Cabdulaahi Cashuur iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland oo ku sugan Deegaanada hoose yimaada Gobolka Sanaag. Inkastoo Safarka uu maanta Wasiirka ugu amba baxay degmada Laas-qoray uu ahaa Mid aan horay loo sii shaacin ayaa hadana waxaa uu la xiriiraa Kormeer uu ku booqanayo Wasiirka Amniga Ciidamada Maamulka Puntland ka jooga Degmadaasi Laas-qoray ee Gobolka Sanaag. Safarka Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag uu shalay ka dhacay Mudaharaad looga soo horjeeda Maamulka Somaliland iyo afduubyada ka dhacaya xeebaha Puntland ee lagu la kacayo dadka Ajaanibta . Dhawaan ayay ahayd markii Degmada Laas-qoray ay gaareen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland kadib markii degmadaasi ay bartanka u galeen ciidamo ka socday Maamulka Somaliland. Lama Garanayo inta uu qaadan doono safarka uu Wasiirka Amniga Puntland ku gaaray Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag, balse wuxuu safarkiisa qeyb ka yahay dadaallo uu Maamulka Puntland ugu jiro sidii uu u difaaci lahaa xuduudaha ay la Wadaagto Maamulka Somaliland. Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online cabaade@gmail.com Bossaso, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites