Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil oo duqeeyay saldhig ay Ciidamada UNIFIL ku lee yihiin dalka Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   
2023-11-30T132519Z_1429391228_RC2ZM4APDH

Millatariga Lubnaan ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Israa’iil lagu dilay laba askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Israa’iil ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan.

Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Israa’iil iyo Xisbullah. War militariga Lubnan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday.

Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay mid halis ah waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado.

UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Israa’iil oo duqeeyay saldhig ay Ciidamada UNIFIL ku lee yihiin dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this