Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland 11th Anniversary Celebrations around the world Pics+reports

Recommended Posts

First up is India. The Puntland Student and Business Community in India have outdone themselves I say, Hambayo and Congrats to you all and job well done.

 

You have shown that you're true wadanis.

 

Horseedmedia Copyright.

 

DSC_0020.JPG

 

DSC_0036.JPG

 

DSC_0051.JPG

 

DSC_0074.JPG

 

DSC_0136.JPG

 

DSC_0155.JPG

 

DSC_0233.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xafladii_India.21.jpg

 

Sanad Guuradii 11aad ee Asaaskii Dowlada puntland oo laga xusay wadanka India.

 

 

Waxaa xalay lagu qabtay hotelka wayn ee Taj Banjara Hotel xaflad aad u heersaraysa oo lagu maamuusayey sanad guuradii 11aad ee kasoo wareegtay asaaskii Dowlada puntland ee somaliyeed

 

xafladaas oo aad iyo aad uqiima badnayd ahaydna xafladii ugu saraysay oo ay dad ajnabi ah ku dhigtaan Hotelka wayn ee Taj hotel ee magalada hyderabad ee india ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf ka kala timi dunida dacaladeeda xafladaan oo aan halkaan lagu soo koobi karin barnaamijyadii lagu soo bandhigay ayaa ahayd mid ay aad ula dhaceen kasoo qayb galayaashii xaflada,waxaa lagu furay ayadaha quraanka kadib waxaa xaflada lagu soo bandhigay project ka hadlaaya hormarka puntland kadib waxaa xaflada laga akhriyey sugaan kala duwan oo ay dadku aad ula dhaceen.

 

xafladaas oo laga soo jeediyey khudbado dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa khadka telefoonka uga qayb qaatay wasiirka waxbarashada puntland MR.juxa waxuuna ugu hanbalyeeyey ardayda reer puntland in ay sanadkaan sanadkiisa guul iyo barwaaqoo ku gaaran.

 

waxaa kaloo halkaa ka hadlay marti sharaf kala duwan,marti sharaftii halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa walalkeen maxamed cabdilahi oo ku hadlaayey magaca ardayda jabuuti,aabe bulaale oo ku hadlaayey magaca waalidiinta,liibaan ciro oo ku hadlaayey magaca ardayda reer mysore iyo marti sharaf kale oo aan halkaan kusoo koobi karin

 

waxaa kaloo lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka somaliyed iyo riwaayad aad iyo aad uqiima saraysay oo kasoo qayb galayasha xamaasad galisay waxaa kaloo xaflada la gudoonsiiyey ardayda reer puntland ee sanadkaan qalin jabisay bugaag waxaa kaloo xaflada abaal marin lagu gudoonsiiyey siiyey kooxdii hanatay koobkii dabaaldega sanadguuradii 11aad ee asaaskii puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sweden

 

Munaasabad Lagu Wayneynayo 11-Guuradii Kasoo Wareegtay Puntland oo Lagu Qabtay Göteborg Caasimada Labaad Dalka Sweden.

 

Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayo sanadguuradii 11-aad curashadii Puntland ayaa lagu qabtay Magaalada Göteborg oo ah caasimada labaad ee Dalka Sweden, xafladan ayaa ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay ayna qayb galeen qaybaha kala duwan ee shacabka reer buntland.

 

Waxaa xaflada oo fiidnimadii xalay ka dhacday hool weyn oo loogu talo galay ahayd mid lagu soo badhigay taariikhda Puntland, cayaaro hidaha iyo dhaqanka, gabayo, iyo heeso ka tarjumaya horumarka degaamada Puntland iyo suugaan kala duwan oo tilmaamaysay sida ay qaab ahaan ay ugu talaabsatay Dowlada Puntland Balan qaadkii ay u samaysay shacabka ku shaqan Goboladaasi iyo barnaamijyo kale oo xiiso badnaa.

 

Dhanka kalena waxaa munaasabada debaaldaga 11-aad ee Puntland iyaguna kala qayb qaatay marti sharaf kasocotay degaanka Göteborg iyo mas,uuliyiin katirsan hay,adaha Dalka Sweden iyo ururo madax banaan oo ayagu lagu casuumay xafladan loo samaynayey Puntland.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi xalay ka hadlay odayaal , waxgarad aqoon yahano, iyo culamaa,udiin. oo damaantood kawaramay faa`ķida ay leedahay ndaamka iyo kala dambayntu, islamarkaasna ku amaanay mas,uuliyiinta Dowlada Puntland iyo shacabkoodba sida ay isugu duubanyihiin oo ay uga gudbeen marxaladahii adkaa ee soo maray degaamadaasi.

 

Ugu dambaynti ayaa xafladan oo ahayd mid si aan hore loo arag loo soo agaasimay ay u dhacday sidii loogu taloo galay, islamarkaasna dhamaan shacabkii Reer puntlan iyo marti sharaftii halkaasi ku kulmay ay isugu marxabeeynayeen shacabka Puntland iyo Mas,uuliyiinta Dowladoodana in sannadkaan sannadkiisa ay ku gaaraan midnimo, barwaaqo iyo horumar,

 

waxaa amaan gaar ah mudan. dhamaan intii ka qayb qaatay abaabulka iyo isku dubaridka Xafladan,

 

Abdirashiid "Bulay". Abdi kaafi.Abwaan "Hurfe". C/casiis "ankubayo".

 

Ismail. Abdulaahi abaas. Abdirahmaan Dinari. Anisa Celaabe. iyo Ayaan Jaamac Nuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sudan-(Allidamaale.c om):-Xaflad lagu xusayo aasaaski puntlnad oo ka dhacday suudaan.

 

Xafladaan ay soo agaasimay ururka aradada puntlnad ee suudaan Ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee caalamigaa qaacatu ribaad alwadani.

 

Xafladaan oo ay kasooqaybgaleen kumanaan dad ah oo isugu jira masuuliyiin Iyo araday ayaa ku dhamaatay si guul ah .

 

Waxaa sidoo kale xafladaa ka dhacay xil wareejin ay masuuliyiintii hore ee Ururka ay xilkii ku wareejiyeen kuwa cusub ee jaraha u qabtay ururka oo uu hogaamiyo Mudane maxamed muuse xuseen .

 

Halkaa waxaa khudbado kasoo jeediyey masuuliyiin badan oo uu kamid ahaa Wasiirka waxbarshada ee puntland mudan e cabdi xasan faarax juxaa Isagoo halkaa ka sheegay sidu ugu faraxsanyahay dhicitaanka faxlada sheegayna In uu booqashadii uu suudaan ku yimid sanadkaan ururku sifiican uga qaybqaatay Kuna bogaadinayo in meeshii laga siiwado arimaha horumarinta ee ururku wado.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay meesha Ururka aradada somaliyed eesuudaan Ururka aradada jabuuti eesuudana Mu’tamarka aradada Somaliland, Ururka suxufiyiinta somliyed ee suudaan iyo kuwo kale oo badan .

 

Xafladaan ayaa waxaa sidoo kale ka dhacday maamuusid lasiinayey koox ku guuleesatay koobkii loo dhigay aradada somaliyeed ee suudaan waa kooxda yamays

 

Qaab maamuleedka cusub ee ururka 2009 .

 

Ururka puntlnad ee suudaan waxaa uu ka kobanyahay

 

Sidaan

 

Gudoomiye: maxmed muuse xuseen

 

Ku xigeen : ahmed cabdilaahi badar

 

Xoghaye guud: cabdiqaadir siciid jilbo

 

x/arimaha dibadda : mustaf abdirisak ( asbaro )

 

x/maaliyada : maxamed cismaan shire

 

x/ bulshada : maxamed xuseen lafoole

 

x// arimaha ciyaaraha iyo kulamada : cabdiqadir danyo

 

waxay ku dhamaatay xafladaas si aad u sareesa

 

waxayna ahayn xafladii ugu qiimaha badnayd intii muddo ah ka dhacday suudaan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Community in Michagan USA

 

Isiin 03 Aug 2009

 

Jaaliyada Reer Puntland ee Michigan State oo dabaaldegtay asaaskii Puntland ee kowda August.

 

 

Ann Arbor, Michigan, Xarunta Eastern Washtenaw Multicultural Academy Waxaa galabnimadii Maalintii Sabtadii Agoosto 1, 2009 lagu qabtay Xaflad Weyn ee ay ka so qaybgeleen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Michigan, qaar ka mid Walaayadaha Deriska la ah Michigan iyo Canadaba. Waxaana laagu talogelay Xuskii Sanadguuraagii 11aad ee ka soo wareegay Dawladda Puntland ee ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed. Kullankaas ay ku dhamayeen Soomaali ka wakiil ahayd Deegaanada kala duwan ee Shucuubta Soomaaliya maanta ayaa waxaa nasiib u yeeshay lagula soo dhaweeyey Makaroofoonka inay hambalyadooda iyo codkooda inay ku hadlaan Culumaaudiin, Aqoonyahano, Urarada ra’yidka, shaqaalaha, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Michigan ee Soomaaliyeed.

 

Wuxuu shir u dhacay sidii loogu talo galay, waxaana lagu furay Aayadaha Qu’raanka Kariimka ah oo ka akhriyey Sheekha Magaalada Sheekh Maxamuud Geelle. Dabadeed waxaa hadlkii lagu soo dhaweeyey Nabadoon Maxamuud Shire oo ka hadlay xaalka Puntland intaan la dhisan taariikhdii halganka loo martay. Dabadeed waxaa madashii lagu soo dhaweeyey Mudane Cabdirashiid Cabdiraxmaan Gayre oo ka hadlay taariikhii Soomaaliyeed, dhibaatada shacbiga Soomaaliyeed maanta, fargelinta shisheeyaha in hal meelooga wada soo jeensado iyo guulaha Puntland ee Casriga ah. Waxaa isna makaroofoonka lagu soo dhaweeyey Mudane Axmad Maxamed Cabdi (Carab) oo ku hadlayey magaca Somaliland oo asbuucii tagay ka soo guryo noqday Hargeysa, wuxuu Axmed Carab halkaas ka jeediyey xaaladda Soomaaliya maanta iyo nabadda ka jirta Somaliland, wuxuuna hadalkaasi ku tibaaxay in lagu mintido nabadda iyo guulaha ay maanta haystaan Dawladaha Puntland iyo Soomaaliyeed. Waxaa kaloo goobtii shirka codbaahiya lagu soo dhaweeyey Mudane Yuusuf Cali Haashim (Codweyne) oo ku hadlayey magaca Koonfurta Soomaaliyeed wuxuu halkaas ka sheegay daafaca labada goobood ee Soomaalida ah ee nabadda ah oo kala ah Somaliland iyo Puntland, loona wada hawlgalo sidii Koonfurta Soomaaliya ee Muqdishow dhibka maanta haysa ee Labaatan jirsaday inaan sidaas lagu sii eegan ee qofkasta Soomaali ah uu ka shaqeeyo nabadeenteyda. Waxaa kaloo hadalkii gunaanadkii lagu sharfay Danjiraha Wareega ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dawladda Feraalka Soomaaliyeed Mudane Cabdi Cawaale Jaamac. Danjire Cawaale wuxuu warbixin Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Michigan ka siiyey arrimaha ka socda Soomaaliya wuxuuna cadeeyey in xalka Soomaali uu yahay mid ayiga qura ku xiran ee la doonayo inay wadahal waxkasta ku dhameeyaan.

 

Waxaa halkaas hawlada looga diray dhambaal magaca Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Michigan Dawladda Puntland ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaana lagu aadiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Aw Maxamuud.

 

Waxaa kaloo xusid mudan iyagoo aan la soo koobin dadkii soo qaban qaabiyey xafladdaan balaaran oo lagu maqsuuday sharaabkii, cuntadii, heesihii Fanaaniinta Soomaalida ee Live ahaa ee Wuqooyiga America iyo Aflaanta Horumarka Puntland ee lagu soo bandhigay, waxaa ka mid ahaa najaxintii iyo biladdii ka timid shakhsiyaadka magacyadoo kala ahaa:-

 

1-Mudane Cabdullaahi Maxamed Saciid

 

2-Mudane Cali Yusuf Gamure

 

3-Mudane Maxamed Ciise Qoobey

 

4-Mudane Danjire Khaalid Shodhe

 

5-Mudane Cabdirasaaq Cabdiraxmaan Gayre

 

6-Mudane Muuse Maxamed Saciid

 

7-Mudane Cabdi yaasiin

 

8-Mudane Ciise c/raxman geyre

 

9-Mudane Shariif Xasan

 

Jaaliyada_Michigan.1.jpg

 

Jaaliyada_Michigan.2.jpg

 

Jaaliyada_Michigan.4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Calanka derbiga ku dheggan fiiriya !

DSC_0242.JPG

 

Soomaalida iyo Calanka sida loo dhigo goormay baran! Markii aad aragtid oo meel laga soo laalaadiyo waa fooraraa!

 

Jaaliyada_Michigan.2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this