Sign in to follow this  
General Duke

Saudi business delegation arrive in PUNTLAND..

Recommended Posts

Wafdi ka socda Sucuudiga oo soo gaarey Puntland

Last Updated::2007-04-09 16:45:05

 

Bosaaso:- Wafdi ballaaran oo ka socda Boqortooyada Sucuudi Areebiya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Bosaaso.

 

Wafdigan oo kooban toddoba xubnood ayaa u yimid Puntland si ay u dhisaan meel xoolaha lagu xannaaneeyo, waxana booqashada wafdigan ay qaadan doontaa muddo saddex casho ah.

 

Wafdigana ayaa waxaa hoggaaminaya Saleebaan Siciid Al-Jaabiri oo ah madaxa mashruuca lagu dhisayo goobta lagu xanaanaynayo xoolaha nool ee Puntland, waxana sidoo kale wafdigan kamid ah dhakhaatiir iyo qareenno.

 

Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysey kadib markii wafdi sare oo ka socda Puntland ay Sucuudiga gaareen halkaasna heshiisyo kula soo saxiixdeen.

 

Wafdigan ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey, guddi loo xilsaaray soo dhoweynta wafdigan kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire.

 

Wafdigan ayaa loo gudbiyey hotel International Village, waxana nasashada kadib lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi.

 

Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberaani)

SBC | HorseedNet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda Sucuudiga oo maanta soo gaarey magaalada Boosaaso

 

Wafdi ballaaran oo ka socda Boqortooyada Sucuudi Areebiya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

Wafdigan oo kooban toddoba xubnood ayaa u yimid Puntland si ay u dhisaan meel xoolaha lagu xannaaneeyo, waxana booqashada wafdigan ay qaadan doontaa muddo saddex casho ah.

 

Wafdigana ayaa waxaa hoggaaminaya Saleebaan Siciid Al-Jaabiri oo ah madaxa mashruuca lagu dhisayo goobta lagu xanaanaynayo xoolaha nool ee Puntland, waxana sidoo kale wafdigan kamid ah dhakhaatiir iyo qareenno.

 

Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysey kadib markii wafdi sare oo ka socda Puntland ay Sucuudiga gaareen halkaasna heshiisyo kula soo saxiixdeen.

 

Wafdigan ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey, guddi loo xilsaaray soo dhoweynta wafdigan kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire.

 

Wafdigan ayaa loo gudbiyey hotel International Village, waxana nasashada kadib lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi.

 

 

 

Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberaani)

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this