General Duke Posted April 9, 2007 Wafdi ka socda Sucuudiga oo soo gaarey Puntland Last Updated::2007-04-09 16:45:05 Bosaaso:- Wafdi ballaaran oo ka socda Boqortooyada Sucuudi Areebiya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Bosaaso. Wafdigan oo kooban toddoba xubnood ayaa u yimid Puntland si ay u dhisaan meel xoolaha lagu xannaaneeyo, waxana booqashada wafdigan ay qaadan doontaa muddo saddex casho ah. Wafdigana ayaa waxaa hoggaaminaya Saleebaan Siciid Al-Jaabiri oo ah madaxa mashruuca lagu dhisayo goobta lagu xanaanaynayo xoolaha nool ee Puntland, waxana sidoo kale wafdigan kamid ah dhakhaatiir iyo qareenno. Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysey kadib markii wafdi sare oo ka socda Puntland ay Sucuudiga gaareen halkaasna heshiisyo kula soo saxiixdeen. Wafdigan ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey, guddi loo xilsaaray soo dhoweynta wafdigan kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire. Wafdigan ayaa loo gudbiyey hotel International Village, waxana nasashada kadib lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi. Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberaani) SBC | HorseedNet Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 9, 2007 Wafdi ka socda Sucuudiga oo maanta soo gaarey magaalada Boosaaso Wafdi ballaaran oo ka socda Boqortooyada Sucuudi Areebiya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Wafdigan oo kooban toddoba xubnood ayaa u yimid Puntland si ay u dhisaan meel xoolaha lagu xannaaneeyo, waxana booqashada wafdigan ay qaadan doontaa muddo saddex casho ah. Wafdigana ayaa waxaa hoggaaminaya Saleebaan Siciid Al-Jaabiri oo ah madaxa mashruuca lagu dhisayo goobta lagu xanaanaynayo xoolaha nool ee Puntland, waxana sidoo kale wafdigan kamid ah dhakhaatiir iyo qareenno. Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysey kadib markii wafdi sare oo ka socda Puntland ay Sucuudiga gaareen halkaasna heshiisyo kula soo saxiixdeen. Wafdigan ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey, guddi loo xilsaaray soo dhoweynta wafdigan kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire. Wafdigan ayaa loo gudbiyey hotel International Village, waxana nasashada kadib lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi. Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberaani) SBC Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites