Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo faahfaahin ka bixisay kulan dhex maray Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaala-madaxda dalka Eritrea ee Asmara.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulankaas war ka soo saartay ayaa sheegtay in hoggaamiyaashu ay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamkaba.

“Madaxda saddexda dal waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah maadaama ay yihiin aasaaska lagama maarmaanka u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan ixtiraamka buuxda ee madax-bannaanida, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka wasaaradda lagu xusay in ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, iyo isku dubaridka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida gobolka iyo abuurista jawi wanaagsan oo  horumar guud ah oo waara dhala ay madaxdu hoosta ka wada xariiqeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo isku dhaf ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this