Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay duufaanta Milton ee Mareykanka ku dhufatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa ku dhufatay xeebaha koofureed gobolka Florida dalka Mareykanka taasoo ah mid xooggan oo aan horay loo arkin.

Sidda ay sheegeen kooxaha la socda waxa ay ku socotaa darajada saddexaad ee halbeegga awoodda lagu cabbiro duufaannada.

Sida ay sheegtay xarunta Dhexe ee Duufaannada ee xarunteedu tahay Miami duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay deegaanno badan oo ka tirsan Florida ku sababto daadad halis ah.

Meelaha ay hadda dul taagantahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro.

In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this