Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo hanatay saaxiibtinimada dhammaan dalka geeska Afrika iyo Itoobiya oo albaab waliba ka soo xirmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii ay qaraxday xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiish ku sheeggii xadgudubka ahaa ee maamulka Abii Axmed uu la galay Soomaaliland, jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay samaysay dadaallo mira-dhalay oo guulo waaweyn horseeday.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay xoojiso xariirka ay la leedahay dhammaan dalalka geeska Afrika iyo kuwa kale ee dunida, markii laga reebo maamulka damaca gurracan ee Abii Axmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa hanatay saaxiibtinimada iyo kalsoonida dalalka muhiimka ah ee dunida, gaar ahaan kuwa geeska Afrika sida Jabuuti, Eritrea,  iyo Kenya, sidoo kale dhaqanka deriska wanaagga iyo dublamaasiyadda ixtiraamku astaan u yahay ku suntan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jiitay dareenka dalalka iyo ururrada Caalamiga ah.

Madaxweynaha JFS ayaa hadda ku sugan Ereteriya oo sanadahan dambe noqatay saaxiib istiraatiiji ah oo si hagar la’aan ah Soomaaliya uga taageera dhismaha ciidamada, waxayna labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan xaaladaha gobolka geeska Afrika, kuwaas oo ay ku jirto dhaqan xumada maamulka Abii Axmed.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Eritrea ayaa u quus-goynaysa taliska Addis Ababa oo cidla ciirsila ka jooga dhinacyada iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadda.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Addis Ababa waxaa maja-xaabin dublamaasiyadeed iyo muunad xumo siyaasadeed ku noqday heshiishkii ay mucaash u arkaysay ee ay ku soo damaacisay qeyb kamid ah badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this