Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo isbahaysi cusub kaga dhawaaqaya Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasi sidoo kale waxaa ku sugan Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ka dib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Eritrea, Madaxweyne Isaias Afwerki.

Booqashadan oo ah mid muhiimad gaar ah leh ayaa lagu wadaa in labada hoggaamiye ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Afhayeenka Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in kulanka ay yeelanayaan Al-Sisi iyo Afwerki uu xooga saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga gobolka.

Waxay sidoo kale diiradda saari doonaan sidii looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadista iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyadoo Masar iyo Eritrea ay door weyn ku leeyihiin gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay gaaray magaalada Asmara, halkaas oo uu kaga qayb geli doono shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso isbahaysi iskaashi oo dhex mara saddexda dal, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta guud ee gobolka Geeska Afrika.

Isbaheysiga cusub ayaa la filayaa inuu noqon doono mid xoog badan oo ujeedkiisu yahay in la isku dhaqaajiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo amniga, gaar ahaan Badda Cas oo ah marin muhiim ah oo dunida u dhexeeya, isla markaana ay saamayn ku leeyihiin dhinacyo badan oo caalami ah.

Shirkan ayaa loo arkaa mid lagu adkeynayo xiriirka saddex geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee gobolka, kaas oo noqon kara mid wax weyn ka beddela xaaladda gobolka ee dhinacyada amniga iyo horumarka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this