Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Masar oo ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdifitaax Casiisi ayaa gaaray magaala madaxda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dhiggiisa Asias Afwerki iyo madax kale oo dowladdiisa ka tirsani.

Sidoo kale waxaa dalkaas shalay ka degay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah uga furmaya magaalada Asmara, kaasoo looga hadlayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this