Sign in to follow this  
Deeq A.

Duufaanta Milton oo ku dhufatay xeebaha gobolka Florida ee dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
aeca2e4c-590a-4043-bc48-8a26c9ac0bf4_cx0

Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa xalay fiidkii billowday in ay garaacdo xeebaha koofureed gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Xarynta Dhexe ee Duufaannada ee xarunteedu tahay Miami ayaa sheegtay, in duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba.

Meelaha ay hadda dul taagantahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro.

In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto.

PUNTLAND POST

The post Duufaanta Milton oo ku dhufatay xeebaha gobolka Florida ee dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this