Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Diyaaradda Kenya Airways oo joojinaysa duullimaadyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Kenya-Airways_B787_FullHD_Copyright-Boei

Shirkada Diyaaradda Kenya Airways ayaa si rasmi ah u shaacisay joojinayso duulimaadyadii Muqdisho laga bilaabo 14ka October 2024.

Bayaan ka soo baxay shirkadda Kenya Airways ayay ku sheegtay in go’aankani la qaatay ka dib falanqeyn taxadir leh iyo tixgelin, iyadoo la eegayo danta ugu wanaagsan ee shirkadda diyaaradaha ee suuqa ganacsi ee hada jira.

Saraakiisha duulista ayaa rumeysan in go’aankan uu ku qasbey xaaladaha suuqa kadib tartan adag oo uga yimid dhawr shirkadood adeeg qiimo jaban bixiya, shirkadaha waxaa iska leh ganacsato Soomaaliyeed.

Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida waxay bixiyaan adeeg qiimo jaban, oo dabacsanaan leh, baajinta iyadoo aan wax ciqaab ah la kulmin iyo fursad ay ku iibsadaan tigidhada hal-jidka ah maadaama ay inta badan isaga kala gooshayaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, diyaaradda EgyptAir oo bilowday duullimaadyo Muqdisho bishii July ayaa lagu soo waramayaa inay soo jiidanayso macaamiil aad u badan, waxaana laga yaabaa inay kordhiso duullimaadyada labada jeer toddobaadkii.

Halkan ka akhri bayaanka shirkaddaasi

FB_IMG_1728535420678.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Shirkadda Diyaaradda Kenya Airways oo joojinaysa duullimaadyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this