Sign in to follow this  
Deeq A.

TikTok oo lagu dacweeyay inay dhibaato ku heyso caafimaadka maskaxda da’yarta

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kacca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada.

Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonaya in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer.

Shirkadda TikTok ayaa dacwaddaan ku tilmaamtay “Mid niyad jab leh” waxa ayna sheegtay inay rumeysan tahay in qaar badan oo kamid ah sheegashooyinka ay yihiin “Kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah”.

Madashaan ayaa horay waxa ay ula dagaallantay sharci ay Congress-ka ansixiyeen bishii Abriil kaas oo ka mamnuucayay Mareykanka.

“TikTok waxa ay ogtahay in isticmaalka khasabka ah ee aaladdeeda iyo waxyeelada kale ee madasheeda ay dhibaato ku tahay caafimaadka maskaxda malaayiin da’yarta iyo carruurta Mareykanka,” ayaa lagu yiri dacwadda laga gudbiyay New York Talaadadii.

Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James ayaa sheegtay in gudaha Mareykanka ay jiraan da’yar badan oo u dhintay ama u dhaawacmay saameyn ka timid aaladda TikTok, sidoo kale ay jiraan caqabado ay kamid yihiin walaac, niyad jab iyo murugooyin badan oo la daristay dhalinyarada kuwaas oo ka dhashay sifooyin la qabatimay ee TikTok.

Dacwadda lagu soo oogay aaladdaan ayaa lagu xusay dhacdo wiil 15-jir ah oo ku dhintay magaalada Manhattan oo ah tan ugu dadka badan 5-ta xaafadood ee New York, wiilka ayaa sameynayay xujjo muuqaal ah oo uu bartiisa dhigi rabay sida ay hooyadiis sheegtay, waxa uuna ku dhintay laamiga ay isticmaalaan tareenada ee dhulka hoos mara.

Dhimashadiisa kadib waxaa taleefanka wiilka laga helay xujooyin lamid ah midda uu iska duubayay xilligii uu dhintay.

Aaladda TikTok ayaa sheegtay in barnaamijkeeda uu badbaado u yahay dhalinyarada, balse taas waxaa ka hor yimid Ms James oo kamid ah qareenada dacwadda soo gudbiyay.

Dacwadda aaladda lagu oogay ayaa si gaar ah u muujineysa in bartaan ay dhibaato ku tahay hurdada iyo daganaashaha maskaxda, iyadoona muuqaalada lagu soo gudbiyo bartaan ay marin habaabin ku ridaan dadka qaar sababo la xiriira in aan la hubin dhab ahaan shah aiyo goobta saxda ah.

Waxaa sidoo kale dacwadda ku xusan Fiiltarrada quruxda u ogolaanaya isticmaalayaasha kuwaas oo kor u qaadaya muuqaalada.

Shirkadda TikTok ayaa dhiirigalisay aalado loogu talagalay in lagu caawiyo dadka xaddidaya waqtigooda isticmaalka ama kala shaandheynta waxa ay tahay inay kala socdaan bartaan.

Dacwooyinkaan ayaa waxaa gudbiyay 13-gobol oo Mareykanka ah iyo degmada Columbia, sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ayaa shirkadda TikTok ku eedeeyay inay maamusho ganacsi xawilaad lacageed ah oo aan shati loo haysan.

TikTok ayaa bayaan soo saartay Talaadadii shalay waxa ayna ku tiri: “aad baan uga soo horjeednaa sheegashooyinkaan, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah aan rumeysannahay inay yihiin kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah,”

Dhanka kale bayaanka ayay shirkaddu ku sheegtay inay ku faraxsantahay shaqada ay u hayaan dhalinyarada oo ay ku tilmaamtay mid ay ku ilaalineyso, sidoo kalena ay hormarinayaan waxyaabaha ay ku soo kordhinayaan aaladda.

Dacwadda ayaa lagu weydiistay maxkamadda inay TikTok ku soo rogto xannibaad iyo in lagu soo rogo ganaax lacageed.

Xeer ilaaliyayaasha ayaa billaabay kiisas lamid ah Facebook iyo Instagram saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada.

Dacwadaha ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka sharciga ah ee soo wajahaya app-ka caanka ah ee TikTok, kaas oo in ka badan kala bar dhalinyarada Mareykanka lagu qiyaasay inay isticmaalaan dhowr jeer maalintii.

Dawladaha ay ka midka yihiin Texas iyo Utah ayaa hore u gudbiyay dacwado la mid ah TikTok oo diiradda saaraya badbaadada carruurta.

Guddiga ganacsiga federaalka, oo ah ilaaliye dowladeed, ayaa TikTok ku eedeeyay bishii Agoosto inay ku xad gudubtay sharciyada sirta carruurta.

Cimraan Axmed, madaxa fulinta ee xarunta aan faa’iido doonka ahayn ee ka hortagga nacaybka dhijitaalka ah, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in tallaabada sharciga ah ay kor u qaadi doonto wacyiga waalidiinta khatarta aaladaha iyo cadaadiska shirkadaha inay wax ka beddelaan dhaqankooda.

Laakiin Washington waxay sidoo kale u baahan doontaa inay xoojiso sharciga si uu u dhaco isbeddel weyn, ayuu yidhi.

“Waxay soo diraysaa calaamad muujinaysa in ay jirto niyad jab sii kordha oo ah in aanay jirin habab kale oo la heli karo, kuwaas oo la xisaabtami doona goobahan,” ayaa lagu yiri dacwadaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this