Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Kenya oo xilka xayuubin ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
bOCMHeDHVjiT3yrxcRZWF5ku8x27cGCaFhcRhjYn

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday.

Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee bishii June.

281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mooshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod.

Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono.

Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Kenya oo xilka xayuubin ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this