Deeq A. Posted October 9 Saxmad dheer ayaa ka taagan gobolka Florida ee dalka Mareykanka iyadoo in ka badan hal milyan oo qof lagu amray inay qaxaan, ka hor inta aysan iman duufaanta Milton. Duufaanta, oo la saadaaliyay inay noqon doonto tii ugu xumayd muddo qarni ah, waxa ay imanaysaa in ka yar laba toddobaad ka dib oo duufaantii waxyeellada geysatay, ee Helene, ay gobolkaa haleeshay. Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay duufaantii dhawaan dhacday ay keeni karto in aaggaasi uu noqdo mid u nugul duufaantan oo tii hore ka sii weyn. Dufaanta Milton waa mid aad u baaxad weyn taas oo uu xawaaraheedu gaadhayo waa dabaylaha (270km saacaddiiba. Waxaa la filayaa in ay si buuxda ugu dhufato habeenka Arbacada, wax ka yar laba toddobaad ka dib markii ay gobolka ku dhufatay duufaantii Helene ee wax yeeleysay. Madaxweyne Joe Biden ayaa uga digay dadka ku nool Florida talaadadii inay ka baxaan guryahooda isagoo sheegay in tani ay tahay “arrin ku saabsan nolol iyo geeri” iyadoo gobolku uu sameynayo dadaalkiisii ugu weynaa. Gerald Lemus oo ku noolaa Bradenton noloshiisa oo dhan, wuxuu sheegay inuusan waligiis ka qaxin duufaanadii hore Laakiin hadda waxa uu go’aansaday in ka baxo isaga oo eegaya badbaadada inantiisa siddeed jirka ah. Bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites