Saalax Posted September 26, 2010 Hargeysa (TogHerer) Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr.Johhnie Carson kasoo sheegay in ay wada shaqeyn dhow la yeelanayaan Dawlada Somaliland . Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdulaahi Cumar oo shir jiraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan hadalkaas kasoo yeedhay masuulka ka tirsan Maraykanka. Wuxuu sheegay tan iyo wixii ka danbeeyey doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ay beesha caalamka il gaar ah ku haysay Somaliland,iyadoo u tilmaamay in wafuud caalami ah ay booqasho ku yimaadeen magaalada Hargeysa oo ay ugu danbeyeen wefdi ka socday dalka Denmark. Wasiirka ayaa xusey in maamulka Somaliland ay si aad ah ula shaqeynayso Dawladda Maraykanka. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Dawlada Somaliland ay kala shaqeynayso sidii looga hortagi lahaa faafitaanka xagjirnimada,iyadoo ay balanqaaday in ay gaadhsiin doonto mashariicda dhaqaalaha,biyaha iyo Beeraha. Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites