xiinfaniin Posted February 11, 2010 Maamulka Gobolka Sool oo ku eedeeyay Xarrkatul Shabaab iyo Xisbul Islaam inay ka dambeeyaan ammaan-xumada ka taagan Gobolkaas Khamiis 11, Feb, 2010 (HOL) Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa maanta ku eedeeyay Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam inay mas'uul ka yihiin amaan-darrooyinka ka jira gobolkaas oo ay ku muran yihiin iyaga iyo Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Sool ee maamulka Somaliland Maxamed Cabdi Dhimbil oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay qabteen dhowr qof oo ku lug lahaa falal isugu jiray qaraxyo iyo weerarro qorsaheysan oo gobolkaas ka dhacay. "Caddeymo ayaa u haynaa in Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ay abaabuleen falalka ammanka wax loogu dhimanayo ee ka taagan Gobolka Sool, waxaana soo bandhigaynaa dhawaan" ayuu yiri guddoomiyaha. Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan dad xiriir la leh dhinacyadan oo lagu qabtay Gobolka Sool xilli ay dhaceen qaraxyada iyo weerarrada, ayna dhawaan soo taagi doonaan Maxkamad. Gobolka Sool ayaa labadii todobaad ee ugu dabeeyay waxaa ka dhacayay falal isugu jira qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay madaxda ciidamada iyo mas'uuliyiinta kale ee gobolkaas oo ay gacanta ku hayso Somaliland. Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab ayaan ka jawaabin eedda kaga timid Maamulka Somaliland iyo sidoo kale inay lug ku leeyihiin falalka ammaandarro ee ka taagan Gobolka Sool. Maamulka Somaliland ayaa horay ugu eedeeyay Xarrakatul Shabaab qaraxyo laba sano ka hor ka dhacay Magaalada Hargeysa, kuwaasoo lala beegaday Safaaradda Itoobiya, Madaxtooyada iyo Xarunta Hay'adda UNDP. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2010 ilahoow shadaadiinta ka qabo shacabweynaha somaliland iyo kuwa koonfuria ba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 11, 2010 daraawiishtu alshabaab maaha ee waa daraawiish. haddana qusuusi baaba loo dhisay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 11, 2010 xaajiguw aa maxay shadaadiintuu sheegayaa sowkii ina godane taageersanaa ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2010 Originally posted by xiinfaniin: daraawiishtu alshabaab maaha ee waa daraawiish. haddana qusuusi baaba loo dhisay oo qusuusigu hub ma haysta iyo tikniko. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 11, 2010 qusuusidu taladay goysaa, hub uma baahna edit: Jacayl, xaajiga iyo ina godane dhibka koonfurta keliyya bay heshiis ku yihiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2010 Originally posted by xiinfaniin: qusuusidu taladay goysaa, hub uma baahna Tallada haday goysoo , tallada ya fulinaya? Garaad xukun doon wa ii kow 2010. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 11, 2010 ^^Soo tuu ina cali shire Ceerigaabo xukummi jirey maaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2010 Originally posted by xiinfaniin: ^^Soo tuu ina cali shire Ceerigaabo xukummi jirey maaha dee wa xiligi Casri jaahiliga , ina cali shire waatii darawishtu ka eryadeen sanaag. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 11, 2010 ^^War ingiriiskaa masaafuriyey markii durriyadu gacan siisay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted February 11, 2010 oo horta waxan maqlay Ina Cali Shire waxa so xiray Haji Muse Farax kadib markii Seylechees lagu jiidaay oo xagaas lagu xiiray mar labadna waxa la keenaay somaliland markas ba Xaji Muse Farah ( Ina Gare ) lo diibaay laakinse ma hubo wuxu Ina Gare Ku Samayey Cali Shire. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: xaajiguw aa maxay shadaadiintuu sheegayaa sowkii ina godane taageersanaa ,,, Anigu maan tageersanayn Godane laakin wuxu dhamay Kuwa. 4.5 wax ku qeybsaday, eeh awoowgood dafiray Isagu laakin Irhaabinimo wax ku noqday Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 11, 2010 SD, Xaaji Muse raciyaddii Ingiriiska buu ahaa, ina cali shire ingiriiskay ishayyeen. Markii ingiriisku soo qabtay baa raciyyadu daawasho ugu timid. waa taarikh dheer sidii Napoleon baa jasiirad keligii lagu xiray Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2010 Originally posted by xiinfaniin: ^^War ingiriiskaa masaafuriyey markii durriyadu gacan siisay Ina cabdulla xassan muxu yidhi Duco awliyaad bu qabba degaha turwaye wa niman gaalada dal dala. Ma dhameya gabayga Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 11, 2010 ^^Sayidku wax badan buu yiriyye nagadaa xaaji Quote Share this post Link to post Share on other sites