Sign in to follow this  
General Duke

Singapore: MFA Press Statement: Working Visit of President Abdullahi Yusuf

Recommended Posts

MFA Press Statement: Working Visit of President Abdullahi Yusuf Ahmed of Somalia

Monday, November 06, 2006

 

MFA Press Statement: Working Visit of President Abdullahi Yusuf Ahmed of Somalia, 7 to 9 November 2006

 

The President of Somalia, His Excellency Mr Abdullahi Yusuf Ahmed, will make a working visit to Singapore from 7 November to 9 November 2006 at the invitation of President S R Nathan.

 

President Abdullahi Yusuf will be accompanied by his wife Madam Hawa Abdi Samatar, the Minister of Finance Mr Hassan Mohamed Nur, the Minister of Planning and Census Mr Hussein Elabe Fahiye, and the Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Mr Hassan Ahmed Jama.

 

During his visit, President Abdullahi Yusuf will meet President Nathan and Prime Minister Lee Hsien Loong. President Nathan will host a lunch for President Abdullahi Yusuf and his delegation. President Abdullahi Yusuf and his delegation will also be briefed by officials of the Ministry of Trade and Industry, Economic Development Board and International Enterprise Singapore.

 

MINISTRY OF FOREIGN AFFAIRS

SINGAPORE

6 NOVEMBER 2006

Share this post


Link to post
Share on other sites

President of Somalia to visit Singapore from Tuesday

 

1320.gif

Monday, November 06, 2006

 

Channel News Asia

Tool

 

 

Posted: 06 November 2006 1919 hrs

 

 

SINGAPORE: The President of Somalia, Abdullahi Yusuf Ahmed, will make a working visit to Singapore from Tuesday till Thursday at the invitation of President S R Nathan.

 

President Abdullahi Yusuf will be accompanied by his wife and various ministers.

 

During his visit, President Abdullahi Yusuf will meet President Nathan and Prime Minister Lee Hsien Loong.

 

President Nathan will host a lunch for President Abdullahi Yusuf and his delegation.

 

The Somali President and his delegation will also be briefed by officials of the Ministry of Trade and Industry, Economic Development Board and International Enterprise Singapore. - CNA /dt

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Somaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed oo isagu Booqasho ku jooga Dalka China ayaa maalinta barito ah Socdaal Shaqo Booqasho ugu tagi doona Dalka SingaboreIsaga oo Halkaas ku sugnaan doona ilaa maalinta khamiista.,

 

 

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu casuumad sharaf ka helay Madaxda Dalka Singapore oo ay horboodayeen Madaxwayne S.R.Nathan iyo Raysul Wasaare Lee Hsien Loong.

 

 

Madaxwaynaha soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf ayaa ka mid ahaa 40 Madaxwayne oo Afrikaan ahaa oo dalka china shir ku saabsan wadashaqayn ganacsi iyo mid siyaasadeed oo dhexmarta Qaarada Africa iyo Dalka China,

 

 

Waxaana xusid mudan in Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf uu ka mid ahaa Madaxwaynayaal si gooni ah loogu casumay qasriga Madaxwaynaha China, taasoo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee uu dhexeysa Dowlada china iyo Dowlada Soomaaliya.

 

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo saacadaha soo socda ku soo beegan dalka Singaboore

Posted to the Web Nov 07, 00:04

 

China_yuusuf.jpg

 

 

Bejing: (pp) - Maxaxweynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku soo beegan dalka Singaboor , saacadaha nasoo aadan.Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ku weheliso xaaskiisa ayaa waxaa casuumaad balaaran u fidiyey madaxweynaha dalkaasi Singaboor S R Nathan.

 

C/laahi Yuusuf iyo Wafdigiisa ayaa waxay qado sharaf la qaadan doonaan labada hogaamiye ee dalkaas ugu sareeya oo kala ah madaxweyne Nathan iyo raiisal wasaarihiisa Lee Hsien Loong, goobtaas oo lagu wado in lagu kala qaado warbxin ku saabsan furitaanka heshiisyo ganacsi oo dhexmara labada wadan ee Soomaaliya iyo Singaboore.

 

Waa waqtigii ugu soo horaysay uu wafdi uu hogaaminayo madaxweyne yuusuf ay heshiisyo caalami ah la galaan wadamada horay u maray ee xiiseeya suuqyada dalalka Afrika iyo Soomaaliya , waxaana Soomaaliya u furmay ayaa la dhihi karaa xiriir caalamiya oo u dhaxeeya wadamo badan oo aduunka kamida.

 

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo dhamaytay kulan loogu magacdaray Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC). oo lagu martigeliyey 40 hogaamiye oo kakala socday dalalka Afrika.Waxaana goobta shirka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Shiinaha Hu Jintao oo saxaafada u cadeeyey in dowladiisu ay taageero caalami ah siinayso Soomaaliya.

 

 

 

Shirkaas ayaa bilowday maalintii Axada ahayd ee la soo dhaafay , waxaana halkaas madaxdii isugu timi ay ka jeediyeen qudbado aad u dhaadheer oo lagu maamuusayey xiriirka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeya Afrika iyo dalka China.

 

Madaxweyneyaasha qaarkood oo uu kamid yahay Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa heshiis ganacsi iyo maalgashiba la soo galay dowlada Shiinaha , taas oo loo maleeyo inay wax weyn ka taridoonto heshiiska u dhaxeeya 2-da dal. Sida la rajaynayo Madaxweynuhu heshiiska uu la soo galay dowlada China ayaa lagu wadaa inuu faah-faahin ka bixiyo waqtiga uu wadanka dib ugu soo laabto.

 

Shirkaan oo ka dhacay xarrunta Biejin ee dalka Shiinaha ayaa go'aanadii ka soo baxay waxaa si toosa u wada akhriyey Madaxweynaha dalka China , Xusni Mubaarak oo ah madaxweynaha dalka Masar iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Malez Senawi, ayaa markii ay dhameeyeen akhrinta qodobadii lagu heshiiyey ayaa waxaa sacab aad u wanaagsan gaaray dhamaan madaxdii halkaas isugu timi oo u muuqday kuwo goobta kala dareeray guulo la taaban karo.

 

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa goobahaas kulamo goos goos ah kula yeeshay Madaxweyne Xusni Mubaarak, Raysalwasaare Zenawi , Obo Sanjos-ka dalka Nanyeeriya, Mbeki oo ah Madaxweynaha Koonfur Afrika, Mai Kibaki oo ah madaxweynaha dalka kenya iyo Ismaaciil Cumar Geele iyo madax kale oo farabadan.

 

Shirkan oo siyaabo badan looga hadlay ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa shir ka duwanaa shirarkii kal hore ee ka dhici jiray dalkaasi China , waxaa la xajiijiyey in guulo la taaban karo ay labada dhinacba gaareen , goobtaas oo ay dalaka badankood ay ku kala saxiixdeen dowlada Shiinaha heshiiyo cusub oo hor leh.

 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdulahi Yusuf oo booqasho ku tagaya Singapore

6 Nov 6, 2006, 19:17

 

 

SINGAPORE: Madaxwaynaha DFKMG ah Cabdulahi Yuusuf ayaa waxa booqasho shaqo ah ku tagayaa Talaadada wadanka Singapore kadib markii uu martiqaad ka heley Madaxwayhane S R Nathan oo ay ku kulmeen wadanka China.

 

Booqshada Madaxwaynaha DFKMG ah oo ay ku weheliyaan Xaaskiisa iyo qaar ka mid ah waasiirada dowlada ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in ay qaadan doonto ilaa maalinta Khamiista.

 

Cabdulahi Yusuf ayaa inta uu ku sugan yahay wadanka Singpore waxa uu kulamo la yeelan doona Madaxawayne Nathan iyo ra'isal wasaare Lee Hsien Loong.

 

Wararkan ayaa intaa ku daraya in Madaxwaynaha Singpore S R Nathan uu martiqaad qado u fidin doono Madaxwaynaha Somaliya iyo wafdigiisa.

 

Wafdiga Madaxwaynaha ayaa booqshadooda la xiriirtaa arrimo ganacsi iyaga oo la kulmi doona saraakiil ka socota wasaarda ganacsiga iyo warshadaha ee wadanka Singpaore.

 

Isha wararka: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bejin: Madaxwaynaha Soomaaliya oo kulamo la qaatay dhigisa wadanka Shiinaha kuna soo fool leh wadamo kale oo ku yaalla qaaradda Aasia.

Talaado, November 07, 2006

 

Bejin (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axamed ayaa waxa uu kulamo la qaatay madaxwaynaha wadanka Shiinaha Hu Jin Tawn.

 

Madaxwayne Yusuf ayaa waxa uu kala hadlay madaxwaynaha Shinaha sidii xukuumadda Somaaliya ay taageero uga heli lahayd wadanka Shiinaha.

 

Labada madaxwayne ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxa ay heshiis ku gaareen in dawladda Soomaaliya loo fidiyo taageero dhaqaale oo lagu gacan qabanayo.

 

Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa la filayaa in dhowaan ay ka soo ambabaxaan magaalada Bijin iyaga oo cagta soo marin doona wadamo ku yaalla qaaradda Aasiya.

 

Madawaynaha ayaa waxa u ku soo fool leeyahay wadanak Singabuur halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaasi.

 

Madaxwaynaha ayaa waxaa la filayaa in uu socdaalka cagta ku soo marinayo wadamo ay ka mid yihiin Thailand iyo Malaysia.

 

Isku soo wada duuboo madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowaanahaan waxa uu ku soo fool leeyahay wadanka Kenya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this