Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka ka socda GAZA oo sannad jirsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Sannad ayaa maanta laga joogaa markii uu billaamay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay kaga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’iil.

Saacado ka hor inta aanan la gaadhin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Israa’iil gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan.

Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israa’iil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac.

Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Israa’iil, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Isra’il.

Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi.

Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Isra’il ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza.

Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Dhanka Israa’iil, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Israa’iil ayaa lagu wadaa in lagu qabto Isra’il.

Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this