Sign in to follow this  
Deeq A.

Buuqan ka taagan bariga Hargeysi muxuu salka ku hayaa se ma la odhan karaa Muuse iyo intabtaageerta waa lagaga adkaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20240930-WA00191.jpg

Labadii todobaad ee ugu danbeeyay waxa dhaq dhaqaaq xoogan oo siyaasadeed uubka taagnaa bariga Hargeisa gaar ahaan beesha Isaxaaq Care oo muujiyay midnimo xoogan oo aan deegaanka hore loogu arag iyada oo dhamaan ardaayada Isaxaaq Care ay isku af garteen in loo baahanyahay in la helo isbedel siyaasadeed oo lagaga baxo xaalada qalafszn ee dalka ka jirta, taasi oo dadka deegaanka oo dhami ay isku raaceen in la taageero xisbiga Waddani isla markaasina la garab is taago Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Markii uu arinkaasi ogaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulamo deg deg ah la yeeshay shaqsiyaadkii dawladiisa ku jiray iyo shaqsiyaad ay qaarkood sheegtaan hogaamiye dhaqameed hase ahaatee aan dadka deegaanadooda ku xidhnay isla markaasina ku xidhan xukuumadda Muuse Biixi wax kasta oo uu jecelyahayna ugu sacaba tuma

Kulankaasi uu Muuse Biixi uu la yeeshay ragaasi iyo xubnaha xilka ka haya xukuumadiisa waxa la garawsaday in dadkii ama beesha bariga Hargeysa uu si buuxda ula wareegay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ah suldaanka guud ee Isaxaaq Care.

Waxana uu madaxweyne Muuse Biixi canaantay xubnahani ku jira xukumadiisa waxana uu soo jeediyay in suldaanka guud ee Isaxaaq Care ay ka dhigaan Suldaan Maxamed Suldaan Bare oo ay saxiibo dhow yihiin Muuse.

Iyada oo laga duulaayo in la raali galiyo madaxweyne Muuse Biixi iyo talooyinkiisa ayaa maalintii shalay waxa guriga suldaan Maxamed Bare lagubqabtay kulan kulankaasi oo ahaa qado iyada oo halkaasi lagu qalay Neef Geel ah si loo helo xubno ay kamaradu qabato waxa aakhirkii lagaga hadlay halkaasi hadalo kicin ah iyo kuwo gubaabo ahaa waxana lagaga dhawaaqay goobtaasi in suldaan Maxamed Bare uu yahay suldaanka guud ee beelaha Isaxaaq Care.

Kulankaasi umay dhamayn beel qudha oo ka mid ah beela Isaxaaq Care waxana ay ahaayeen shaqsiyaad aan wax saamayn ah ku dhex lahayn bulshada.

Waxan oo qaylo ahi waxa ay salka ku haysaa laba arin oo kala ah.

1. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo si toos ah ula wareegay maamulka iyo hagista beelaha Isaxaaq Care oo hafh iyo habayn ku dhex jira mudo kooban oo uu dalka joogayna waxa uu mideeyay oo iskunduba riday Isaxaaq Care

Waxa uu kulamo xasaasi ah la yeeshay hogaanka dhaqanka ee Isaxaaq Care oo dhan haday noqoto cuqaal ama salaadiin inta dadka matasha.
IMG-20240930-WA00231.jpg
Waxa uu kulan gaar ah la yeeshay haweenka iyobhablaha Isaxaaq oo dhan iyaga oo u muujiyay taageero buuxda isla markaasina taageeray fikradihiisa isbedwl doonka dalka oo dhan ka socda
IMG-20240930-WA00201.jpg

IMG-20240930-WA00211.jpg

IMG-20240930-WA00221.jpg
Waxa uu la kulmay oo shiriyay dhalinyarada isga oo dhegaystay fikradahooda iyo halka xaal maraayo is waraysi iyo wada hadalo waxa ay isla qaateen in maanta dhalinyaradu u baahantahay isbedel dalka ka dhaca.

Waxana la odhan karaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu kasbaday dhamaan dadka uu suldaanka u yahay waxana uu sidoo kale socdaalo ku tagay miyiga isga oo kasbaday dadka reer miyiga ah oo ku taageeray in dalku u baahanyahay isbedel.
IMG-20240614-WA0001.jpg
Sawirkani waa beesha Isaxaaq oo taageero u muujisay Cabdiraxmaan Cirro oo uu badhtanka ugu jiro.

2. Ta labaad waxa Muuse iyo xubnaha ku jira xukuumadiisa joog iyo jiifba u diiday musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isna kasbaday dhamaan beesha bariga Hargeysa iyaga oo ku garab istaagay in dalku uu u baahanyahay isbedel si dalka loo bad baadiyo.

Hadaba labadaas arin ayuu buuqa ka taagan Bariga Hargeisa uu salka ku hayaa waana sababta keentay in la weeraro Saldanada Guud uu hayo suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo loo magacaabo nin lale isla.markaasna la weeraro oo wax laga sheego beesha Habaryoonis iyada oo laga urinaayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Isku soo wada duuboo kulankii shalay ee xukuumadda Muuse soo abàabushay uu weerar ku ahaa uun Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro oo midkoodna aan waxba waxani iyo wax la mid ah lagaga qaadi karin.

Beesha bariga Hargaysina waxa ay u balansantahay in la dhiso oo codka beesha Isaxaaq Care ee hada la hayo oo ah 92kun oo cod ah dalka lagu bad baadiyo oo la siiyo oo lagu soo saaro Cabdiraxmaan Cirro.

Beesha Isaxaaq waa caano iyo nabad wax colaad iyo dagaal midna kuma shaqo laha ee yaan la isku aakhiro seegin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this