Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Faransiiska  oo ku baaqay in la joojiyo hubka la siiyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska  Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la joojiyo hubka lasiinayo Israa’iil, si loo joojiyo xasuuqa ka socda Gaza.

Weraysi uu bixiyey Macron oo la shaaciyey ayuu ku sheegay in xalka hada uu yahay sidii wadahadal siyaasadeed lagu dhammeyn lahaa dagaalka Gaza.

Macron oo la hadlayey warbaahinta France Inter, ayaa sheegay in hadda dowlada France ayna siin wax hub ah Israa’iil.

Wuxuu intaasi raaciyey in dagaalka sii socda uu abuurayo cadaawad xoogan oo aan dan ugu jirin amniga Israa’iil. Sidoo kale wuxuu sheegay inay kasoo horjeedaan in dalka Lubnaan uu ka dhaco burbur lamid ah kii Gaza.

Mareykanka oo ah xulafada France ayaa ah dalka hubka ugu badan siiya Israa’iil, sannad walba dalkaasi ayaa deeq militari oo gaadheysa $3 bilyan ugu deeqa Israel, iyadoo sannadkii tagay uu deeq dheeraad ah oo gaadheysa $21 bilyan ku wareejiyey xukuumada Netanyahu.

Duqeynta Israa’iil ku wado Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 41,825 qof oo rayid ah oo u badan haween iyo carruur.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this