Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow erayada Af-soomaaliga ee laga cabsi qabo inay sanadaha soo socda dabar-go’aan

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-soomaaliga oo ah mid kamida afafka ugu ugu faca-weyn dunida, islamarkaana islamarkaana hodan ku ah erayo dhumuc leh, murti baaxad leh, iyo sarbeeb ashqaraar leh ayaa waxaa sanadahan dambe soo food saartay halis jiritaankiisa ka dhan ah.

Waxaa ku milmay boqolaal eray waxbarashada, teknoolajiyada iyo is xariifinta ilbaxnima-doonka ah uga dhex dusay, islamarkaana meesha ka saaray erayadii asalkooda Af-soomaaliga ahaa ee sida maalinlaha ah loo adeegsan jiray.

Tusaale erayada adeegsigoodu sii yaraanayo, lagana yaabo in sanadaha soo socda toos looga guuro waxaa kamid ah, walaal oo lagu badelay “brother”, Hooyo oo booskeeda la galiyay “mama”, si fudud oo laga doortay “easy”, maad leh ama shactaro ah oo lagu badelay” funny”, wada-hadal oo lagu doorsaday “call”, doob ama huru-bannaan oo lagu bara-bixiyay “Single” , xeer oo lagu badeli “law”, qoys oo booskiisii la galiyay “family” , iyo boqolaal kale oo adeegsigooda si ku talo-gal ah looga guurayo.

Waa run oo dad hadda nool intooda badani erayadan iyo kuwa lamid ahba way garanayaan, inkastoo ah adeegsiga la wadaajiyaan kuwa shisheeye ee dhigooda ah, balse ubadka hadda dhalanaya ayaa laga cabsi qabaa inay la kowsanadaan ku hadal erayada qalaad, kuwaas oo meesha ka saari doona kuwa asalka ah.

Si kale haddaan u dhigno ilmaha sanadkan dhashaahi wuxuu garaadsanayaa wixii ka dambeeya 2033-da, haddaba xilligaas haddii uu ku indha-qaado deegaankiisa oo erayo qaad laga adeegsanayo sida Hooyo oo “mamo” loogu yeerayo, dugsiga iyo bulshada dhexdeeda isla erayadaas looga hadlayo waxaa qasab ku noqonaysa inuu ayaga ku hadlo, asagoo u haysta inay qudhoodu Af-soomaali rasmi ah yihiin.

Haddaba ka hortagga halistani waa mas’uuliyad wadareed, waxaana u xil-qaba waalidka, bareyaasha dugsiyada, warbaahinta, iyo dadka caanka ah, kaalinta ugu weynna waxaa leh dowladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this