Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo shaacisay in ay duqeysay xaruntii Sirdoonka Xisbullah ee magaalada Beyrut

Recommended Posts

Deeq A.   
5192.jpg?resize=465%2C279&ssl=1

Israa’il ayaa shaacisay in ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay.

Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut.

Israa’iil ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan.

Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo shaacisay in ay duqeysay xaruntii Sirdoonka Xisbullah ee magaalada Beyrut appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this