Sign in to follow this  
Cowke

Ras Caseyr History

Recommended Posts

Cowke   

Xarunta Madaxtooyada deegaanada Casayrland

PHOT0004.JPG?width=640&height=481

 

Maxaad ka taqaan taariikhda gobolka casayr(warbixin kooban)

 

Posted on April 6, 2010 by allcaseyr

 

Deegaanka casayrlnad waxa uu dhacaa geeska africa cirifka bari ee somalia halka loo yaqaano raasi casayr oo ah halka loogu macagdaray gobolka iyo deegaankaba waa deegaan taariikh dheer leh oo aan is oran karoba waa deegaanka ugu taariikhda dheer gayiga soomaaliya waxaa tusaale u ah waa halkii uu ka soo dagay ******* Ismaaciil uuna ugu yimi sida taariikhdu dhigayso *** iyo ****** hadaba maadaama soomaalidu yihiin dad k u kala abtirsadaa odayada aan kor ku soo xusay waxay taasi cadayn u tahay in soomaaliduba ka soo unkameen deegaanka casayrland, waxaa kale oo aan tusaale u soo qaadan karaa waa deegaanki ugu horeeyay ee uu yimaado qunsulkii talyaaniga ee xiligaas ka talinaayay italiensomaliland taariikhdu markay ahayd 1903 waxaana taas cadayn u ah in qunsulku uu ka smaaytay madaxtooyo magaalada caluula oo ah magaalo madaxda gobolka casayr waxaa kaleeto oo jira dhismayaal taariikhi ah oo marka aad tagto magaalada caluula aad ku arkayso qoraalo talyaani ah oo uu kaga tagay mustacmarkii xiligaas dalka haystay caluulana ay u ahayd meel uu ka maamulo dhamaan deegaanada uu haystay ee konfurta somalia

 

Madaxtooyadi soomaaliya 1903 ilaa 1930

 

, waxaa halkii ugu horaysay ee laga hirgaliyay airports caalami ah oo diyaaraduhu ku soo dagaan waxaana laga sameeyay magaalada caluula oo ah magaalo madaxdii xiligii gumaystaha ee somalia iyo magaalada boolimoog oo ah magaalo warshadeed airporkaan hada ka ku yaalo magaalada caluula waxaa loogu magacdaray (Omar Samatar international airport ) sababta loogu magacdaray halmagaa Cumar Samatar ayaa waxa ay tahay Cumar Samatar waxaa uu ka soo jeedaa gobolka casayr haddi aan in yar ka xuso taariikhda halgamaa Cumar samatar Cumar samatar waxa uu ka mid yahay sadexda ruux ee halganka gibanimo doonka ku xusan sida , Axmed Guray , Sayid Mohamed , Cumar Samatar waxaa uu dagaal kharaari ku dhex maray isaga iyo gumaystihii talyaaniga magaalooyinka Hobya , Ceel buul waxa kaleeto oo lagu xusaa waa shakhsiga soomaaliyeed ee kaliya oo dal dibada ah ku leh taariikh Cumar Samatar waxa uu ka qayb qaatay ka saaridii gumaystihii talyaaniga dalka ethiopia ka dib markii laga saaray dalka ethiopia gumaystihii waxa uu noqday Cumar Samatar wasiirka gaashaandiga ee wadanka ethiopia madaamada uu ahaa nin aad ugu xeel dheer qaabka dagaal galinta ciidanka xiliga xaalad dagaal taagan tahay sidaas ayaana loogu dooratay in uu ahaato wasiirka gaashaan dhiga nin oday ah oo xiligaas ay wada joogeen oo aan la sheekaystay ayaa ii sheegay in uu ahaa hamiga Cumar Samatar in uu garab ka helo dawlada ethiopia madaama uu wadanka ethiopia ahaa kan ugu awooda badan wadamafda africa xiligaas uuna ahaa mid xor ah dhamaan wadamada africanka ah ee kalena ay mustacmarad u ahaayeen wadamada reer galbeedka siiba wadamada reer yurub sida italy , egland , france lakiin hamigaasu ma uusan u hirgalin dabcan taariikhda Cumar Samatar ma ahan mid halkaan lagu soo koobi karo meelaha loogu magacdaray halgamaa Cumar Samatar waxaa ka mid ah ( Omar Samatar university ) oo ku taala magaalada adis ababa ee wadanka ethiopia (Omar Samatar road ) oo isla adis ababa ku taal ( dugsiga sare ee Cumar Samatar ) oo ku yaal magaalada gaalkacayo aan u noqdo hadaba taariikhda deegaanka Waa halkii ugu horaysay deegaanka casayrland ee laga hirgaliyo warshad wax soo sarta cariga soomaaliya.

 

Hadaba waxaa is waydiin mudan maxuu ku doortay gumaystihii talyaanigu in uu saldhig ka dhigto deegaanka casayrland ?

 

deegaanka casayrland waa deegaan istiraatiiji ah waa halka ay iskaga darsamaan lada baddood ee red sea iyo indian ocean waa meel uu illah ku minaystay khayraad dabiici ah waxaa ka mida khayraadkaas faraha badan khayraadka baddaba oo nooc walba leh , timirta , milixda , xijiga geedka la yiraahdo , khudaarta kale oo ka baxa magaalada caanka ku ah durdurka ee loo yaqaano sayn.

 

hadaba gumaystihii talyaaniga ee xiligaas dalka haystay waxa uu isku dayay in uu ka faa,iidaysto khayraadka deegaanka casayrland waxa uu ka hirgaliyay warshado badan waxaa u badnaa warshadaha uu ka hirgaliyay gobolka casayr warshada qasacadaynta kaluunka iyo warshada kaydinta kaluunka madaama ay badda deegaanka casayrland ay tahay mid cogor ka ah khayraadka badda waxaa uu ka sameeyay warshadahaas magaalooyinka xaabo iyo boolimoog waxaana lagu magacaabi jiray warshadahaas ( Habo imprese di pesca) iyo ( boolimoog imprese di pesca di risparmio, e fare in barca) waxaa kale oo uu ka sameeyay magaalooyinka tooxin ,boolimoog iyo caluula , munaarado kala haga maraakiinta ku gooshaysa marin badeedka ku teedsan deegaanka casayrland si ay uga majara qaatan , waxaa kaleeto oo uu samayeeyay warshada habaynta miraha maydiga , waxa kale oo uu u iibgaynjiray dhamaan daafaha caalamka milixda deegaanka casayrland.

 

sidee ayay ahayd nolosha xiligaas deegaanka casayrland ?

 

sida taariikhda ku xusan deegaakna casayrland waxa uu ahaa kan ugu heerka sareeya dhanka wax barashada waxaa ka jiray italiensomaliland 30 iskuul 10iskuul waxa ay ka jireen gobolka casayr xaga caafimaadka waxa ay ahaayd halka kaliya ee hospital caalami ah oo tayadiisu sarayso uu ka hirgaliyay gumaystuhu oo la isga imaan jiray dhamaan wadanka oo dhan

 

haddi aan intaas kaga baxo xiligi gumaysiga oo aan bal u soo dhaadhoco xiligi xukuumadi kacaanki barakaysnaa sababta aan kacaanka u soo qaadanayaana ay tahay madaama ay xukuumadihi ka horeeyay ahaayeen kuwo taagdaran oo ku fashilmay horumarinta wadanka sababo musuqmaasuq darteed , xukuumadi kacaanku waxa uu dhaqaale aad u xoog badani ka soo gali jiray deegaanka casayrland oo aanba oran karo waxa uu ahaa laf dhabarta dhaqaale ee wadanka soomaaliya waxa ay kor u qaaday xukuumaddi kacaanku tayada wax soo saar ee warshadihii kaluunka waxa ay ku soo siyaadisay warshad cusub oo loogu magacdaray (necfish habo) oo iyana laga hirgaliyay magaalada xaabo maadaama ay tayada wax soo saar aad u wagaan sanayd ee kaluunka waxaa kale oo ay dhaqaale aad u xoog badan ku qaadan jirtay munaaradaha kala haga maraakiibta , waxaa kale oo il dhaqaale wanaagsani ka soo baxo ahaa maydiga oo ay ka samaysay meelo lagu habeeyo miraha xijiga waxa jirta hadal ah oo odayaasha deegaanka casayr gaar ahaan magaalada caluula aan ka maqli jiray iyaga oo leh hadalkaas oo ah mid gumaystuhu uu oran jiray waxa uu ahaa hadalkaasu (aluul è una città migliore in Somalo) oo macnaheedu yahay sida odayaashu ii sheegeen (caluule waa magaalada u wanaagsan gayiga soomaaliya )

 

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa kuna boorinayaa dhamaan bulsha waynta deegaanka casayrland in ay ka faa,iidaystaan khayraadka alle ku minaystay deegaanka sida maal gashiyo lagu sameeyo warshado kaluun , in timirta deegaanka loo raadiyo suuq gayn caalami ah tayadeeda wax soo saarna kor loo qaado oo dhaqaale la galiyo , in deegaanka laga sameeyo meelo lagu habeeyo maydiga ka dibna toos looga dhoofiyo gobolka casayr si cashuurta khayraadkaasu ay dib ugu noqoto deegaanka halka aysan hada waxba dib ugu soo laaban waa in kor loo qaado adeegyada bulshada meelaha ay ka jiraan tuulooyinka aysan ka jirina laga aasaaso

 

waxay tahay su,aasha aan ku soo afxirayaa hadalkayga waxaan soo sheegnay in gobolka casayr uu ahaa halka ugu horaysa soomaliya 1903 maxaa hadaba keenay maanta in ay ahaato mid dib u dhac ku yimaado madaama xiligaas hada laga joogo mudo halö qarni iyo dheeraad ah oo maanta aduunku in badan horuumaray ? jawaabta aan oran karaa waa dadka deegaanka oo aan isku dayin waxqabad noocuu doono ha ahaadee hadaba waan samayn karaa ee aan isku dayno

 

Idiris Makiinad Dooxaajog Sweden

 

allcasayr.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this