Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka waxbarashada dalalka Islaamka ee ka socda Cummaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada Waxbarashada ee Waddamada Islaamka, kaas oo lagu qabyay dalka Cummaan.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladda waxbarashada dalka, dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay waxbarashada u gaarsiin lahayd carruurta Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ee aan fursad waxbarasho haysan.

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay kordhisay miisaaniyadda ku baxdo waxbarashada, sidoo kale ay shaqaalaysiisay 6 kun oo macallin muddadii labada sanno ahayd ee lasoo dhaafay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this