Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax badan ka ogow gantaalada guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ee ay Iran ku weerartay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Salaadadii, Iran ayaa boqolaal gantaallo ku ridday Israa’iil, qayb ka mid ah gantaalladaasna waxay ahaayeen kuwa guuxooda ka dheereeya ee hypersonic ga loo yaqaano kuwaas oo ka gudbay nidaamka difaaca ee Iron Dome iyadoo ay Iran sheegtay inay ku dhaceen bartilmaameedyadoodii

 

Haddaba, waa maxay gantaallada hypersonic loo yaqaano ee guuxooda ka dheereeya?

Gantaallada Guuxooda ka dheereeya

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Gantaallada Guuxooda ka dheereeya

Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe?

Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii.

Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido.

Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada.

Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli.

Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka.

Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv.

Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale.

Gantaalka Iran muxuu kaga duwan yahay kuwa kale?

Mas'uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faatix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Mas’uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faatix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Bishii November ee 2023 ayay ahayd markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ahaa ee Iran ku dhawaaqeen inuu haysto gantaal hypersonic ah oo ay u bixiyeen magaca Faatix oo micnahiisu yahay furasho.

Iran waxay sheegtay in gantaalkan uu wax ka beegsan karo ilaa masaafo gaadha 1,400 kiilomitir sidoo kale uu ku socon karo xawaare sare oo gaadha ilaa Mach 15 oo 5 km ilbiriqsigii kahor inta uusan ku dhicin bartilmaameedkiisa.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu leeyahay dhuun labaad oo loo dhaqaajin karo in loo adeegsado sidii kiciye kale oo u ogolaanaya inuu sii kordhiyo xawaarihiisa, taasoo saraakiisha sare ee Iran ay ku doodayaan in aysan jirin nidaam difaac oo dunida ilaa hadda la jaanqaadi kara.

Mas’uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faarix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Waxay iska beeniyeen shakigii reer Galbeedka ee ku aaddanaa in aysan Iran sameysan karin gantaallada xawaaraha sare leh ee guuxooda ka dheereeya, Mareykanka waxaa welwelka usii dheer tiknoolojiyadda gantaalkan cususb ay burburinayso suuqiisa bariga dhexe ee hubka maadaama gobolku sameysano hub casri ah.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this