Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale to committees, Build a Jubbaland administration I will hand power to

Recommended Posts

Gabbal   

Barre Hiiraale: Anigu Xildhibaan Baan Ahay Mana Sii Joogaye, Dowladana Waan Ka Tirsan Nahay Ee Ciddii Aan Ku Wareejin Lahaa Maamulkii Jubbaland Hala Keeno- Halkan Ka Dhageyso Khudbadaas Xasaasiga Ah Oo Uu Ka Jeediyey Magaalada Kismaayo

 

Aug 19,2006

 

by Kismaayo-Gedo News Network

 

Guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba oo maanta khudbad xasaasi ka jeediyey magaalada Kismaayo kaga hadlay qorshiisa ku aadan maamulka dowlad goboleedka jubbaland. Xildhibaan Hiiraale ayaa ka hadlay seminar loo furay guddiyada qabanqaabada maamul goboleedka Jubbaland ee lagu wado in la sameeyo dhowaan oolagu qabtay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

 

Seminaarkaas oo ay soo diyaarisay hay'adda CRD ee Kismaayo ayaa ujeedadiisu aheyd inuu leeyahay laba ujeeddo oo kala ah isbarasho guddiyada iyo weliba in hawsha guddi kasta loo xil saaray in la fahansiiyo oo ay fahmaan. Barre Hiiraale ayaa sheegay in maamul ahaan ay naftooda u hurayaan sidii loo sameyn lahaa maamul goboleedka Jubbaland, dadkuna ay iska illoobaan qabiileysiga. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uu xildhibaan yahay doonayana in uu arko maamul uu xilka Jubbaland uga tago oo ku wareejiyo, taasna loo baahan yahay in dadku sameystaan.

 

Waxana uu qudbaddiisa oo meelo badan taabanaysay ku soo gabagebeeyay in dadku ay wax walba heli lahaayeen hadday maamul sameystaan, isla markaasna uu diyaar ula yahay in uu usha u qabto maamulkaas. Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankaas xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ku tilmaamay in irriddii laga geli lahaa maamul goboleedka Jubbaland ay tahay kulankan iyo guddiyadaan, loona baahan yahay in ay dadaal badan muujiyaan.

 

 

Halkan RiiX Oo Dhageyso Khudbadii Barre Hiiraale Ee D/G Jubbaland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba Xildhibaan Barre Hiiraale oo Magacaabay 58 xubnood oo ka soo kala jeeda 4.5 oo noqonaya guddi hoosaadyada Dhisitaanka dawlad goboleedka Jubbland

 

Aug 18,2006

 

by Kismaayo-Gedo News Network

 

Iyadoo dhawaanahaan Xarunta isbahaysiga dooxada jubba ay ku shirsanaayeen xubnaha guddiga farsamada iyo qaban qaabada shirwayne lagu dhisayo dawlad goboleedka Jubbaland ayuu Xildhibaan Barre Hiiraale gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba waxaa uu soo saaray wareegto uu ku magaacay xubnaha shan guddi hoosaadyo oo la shaqayn doona guddiga farsamada, waxaana wareegtadaas ay u qornayd sidatan.

 

Ku: guddiga Farsamada iyo qabanqaabada

Ujeedo: magacabid Guddi hoosaadyo

 

Kadib markaan arkay talo-soojeedinta guddiga farsamada dhismaha mamaamulka gobolada jubbooyinka.

Kadib markaan dhagaystay talada mas,uuliyiinta maamulka

Ayada oo ahmiyada la siinayo habsami u hirgalinta Hawlaha culus ee na horyaala

Ayada oo la tixgalinayo kartida waxqabad, khibrad iyo aqoonta qofnimo

Waxaan halkaan ku magacaabay guddi hosaadyada xilkoodu hoos ku cad yahay.

 

Waxaan guud ahaan dadwaynaha gobolada jubbooyinka gaar ahaana xubnaha guddiyada halkaan ku magacaaban ku adkaynayaa in qiimaha hawshani u leedahay horumarka iyo aayaha dadka iyo dalkeena dareen iyo aragti midaysan laga lahaado wax walba oo suurtagalin karana loo huro.

 

Guddiga dhaqaalaha.

1.C/laahi Salaad yaroow ( Gudoomiye)

2. Xaawo Ugaas faarax ( Ku xigeen)

3. Xadhuun Dubad shiil

4. Cabdi Baaley Xuseen

5. maxamuud Timodheere

6. C/laahi Xaashi Cali

7. Mukhtaar Sheekh Axmed

8. Xaawo Ugaas yaasiin

9. Dr Faarax Cabdi Xasan

10. Cabdi Aaden

11. Abshiro Muuse Cigaal

12. Barre xaashi Gaani

13. Macalin Ibraahim Jiis.

 

Waajibaadka Guddiga.Guddiga waxaa uu u xilsaaran yahay:

1. in uu raadiyo soona u uruuriyo dhaqaalaha loo baahan yahay

2. in uu ilaaliyo gacantana ku hayo dhaqaalaha

3. in uu diiwaan galiyo dhaqaalaha la helo

4. lacagta shirka loo uruurinayo waxaa lagu ridayaa xisaab looga furayo

xawaalada dahabshiil

5. guddigu lacag kasta oo uu ku shubo xisaabta waxaa uu isla markiiba qoraal ku

siinayaa guddiga farsamada

6. xisaabta waxaa lacag looga bixin karaa marka ay wada saxiixaan gudoomiyaha

guddiga dhaqaalaha, uqaybsanaha xisaabta ee uu guddiga farsamada iska dhex dooranayo

iyo gudoomiye xigeenka koowaad ee Gudiga farsamada.

7. saxiixa saddexda mas,uul, waxaa lagu kaydinayaa xawaalada dahabshiil

8. guddiga dhaqaalahu waxaa uu hab xisaabeed u samaynayaa dhaqaalaha soo xarooda iyo kan baxa.

 

Guddiga Abaabulka:

1.Daahir Maxamed Cilimi( Carabeey) Gudoomiye

2. Xasan Xuseen Aalamaas

3. Maxamed Hire Xirsi

4. Xuseen Maxamed Dhicis

5. yacquub Macalin qaasin

6. Aaden Cabdi Ibraahim

7. Maxamed Cali Aaden

8. Xasan maqtal rafle

9. Maxamed daahir Jaamac

10. Sh Cali Xuseen Xasan

11. Xsueen Arbacoraas

12. Maxamed Maxamuud Tooxoow

13. Xaaji Maxamed Mire

14. Maxamed Siraad

15. Axmed Xasan cabdi ( Kaad)

16. xareed Cali Durdur

17. Shubaale Xaaji Shubaale

18. Ducaale ganaane Cun cun

19. Faadumo Aaden kateela

20. kiin Nuur Xaashi

21. daruuro Xirsi Geele.

 

Waajibaadka Guddiga.Guddigu waxaa uu u xilsaaran yahay.

1. in uu la xariiro degmooyinka gobolada jubbooyinka, lana socodsiiyo dhammaan

tallaabooyinkii la qaadaym, kuwa lagu talo jiro iyo waxayaabha degmooyinka laga

doonayo

2. in uu ku hanuuniyo kuna wacyi galiyo dadwaynaha jubooyinka ahmiyada iyo

waxtarka dhismaha dawlad goboleedka,

3. in uu ka hortago islamarkaana bulshada dareensiiyo caqabadaha waxmagaratada

iyo cadawgu u maleegi karo hawshaan Qaayaha leh.

4. in uu adkeeyo midnimada bulshada una jiheyo sidii looga wada qaybgali lahaa

najixinta hawshaan Tariikhiga ah ee na hortaal.

 

Guddiga Diyaarinta Madasha, soo dhawaynta iyo Dajinta.

1. Aaden Maxamed Wacays( koronto) Gudoomiye

2. Maxamed Maxamuud Nuur ( Biikolo) KU xigeen

3. Yaasiin Nuur Gaas ( in dhoraadeer)

4. Ismaaciil Diyaad cali

5. C/laahi Xasan Maxamed

6. Xasan Cumar cabdi

7. Maxamed C/laahi xirsi

8. Cabdi Maxamed Muumin( Ruush)

9. Cali xasan Ibraahim

10. Maxamed Dhoore Xasan

11. eng- Axmed Maxamed Gaax nuug

12. Yusuf Maxamaed Xoosh

13. Xasan Cusmaan Aaden arile

14. Ibraahim Maxamed Xasan

15. xaliimo Geelo

16. Butaaco

17. iisho Gashaan

 

Waajibaadka Guddiga:Guddiga waxaa uu u xilsaaran yahay:

1. Diyaarinta Iyo dayactirka gobta shirka lagu qabanayo

2. diyaarinta Iyo dayactirka goobaha ergooyinka la dajinayo

3. Nadaafada iyo nolol maalmeedka shirka

4. gacan ku haynta saadka logu talo galay shirka sida rashinka cabitaanka,

Maacuunta.

5. diyaarinta gaadiidka Noocyadiisa kala duwan sida kuwa yar yar xamuulka iyo

booyadaha Biyaha

6. diyaarinta goob caafimaad oo si deg deg loogu dawayn karo ergada shirka

7. diyaarimta qalabka sigaarsiinta sida taleefanada, raadye iyo qalabka kale eel

agama maar maanka u ah hawlaha shirka

8. diyaarinta matoorada korantada shirka

9. diyaarinta goobaha karinta iyo qaybinta raashinka

10. tilmaamida wadooyinka gaadiidka iyo kuwa dadka lugta ah

11. ilaalinta nidaamka iyo guud ahaan qaabka isu socodka, nolosha, qaabnka

deegaanka, iyo nidaamka fududaynta in qof kasta helo adeega uu u baahan yahay.

 

Guddiga qoraalada iyo warfaafinta.

1. C/naasir Daahir Dheere ( Dhalo) Gudoomiye

2. Xasan Cabdi Yuusuf ( dhere) xigeen

3. Xasan Maxamed nuur Aburaas

4. Cabdi Maxamed Cusmaan

5. Rotman Yusuf Xodey

6. shariif Iimaan ibraahim

 

waajibaadka guddiga:guddigu waxaa uu u xilsaaran yahay

1. waxuu u ruuriyaa dhammaan qoraalada shirka

2. waxuu faafiyaa dhammaan qoraalada shirka e la doonayo in la gaarsiiyo bulshada

3. waxuu badiyaa qaybiyaana qoraalada ergooyinka loo qaybinayo

4. waxuu qoraa soo jeedinada iyo talooyinka

5. waxu diyaariyaa ha ku dhegyada iyo farshaxanka ka turjumaya hirgalinta iyo

najixinta shirka

6. waxuu la xariiraa warbaahinta siiyaana waxii war ah marka guddiga farsamadu uu siyo ogolaansho qoraal ah

7. waxaa reeban in la bixiyo qoraal ama hadal ku saabsan shirka oo uusan qoraal ku fasixin guddiga farsamada.

 

Guddiga caafimaadka:

1. C/Casiis Cali cabdi

2. C/raxmaan Durre

3. C/laahu sheek aaden

4. jamiil Xasan ciise

5. shukri cabdi Geedi

 

Waajibaadka guddiga: Guddiga waxaa uu u xil saaran yahay:

1. dhammaan Hawlaha Caafimaadka ergooyinka mudadda shirku socdo

2. waxuu si buuxda u kormeeraa dhammaanb goobhaa jifka, cuntada, biyaha, hoolka shirka iyo musqulaha waxuu talo iyo tilmamo siiyaa guddiga ku shaqada leh si loo ilaaliyo caafimaadka ergada.

3. waxuu Guddiga Farsamada siiyaa talooyin la xariira arimaha caafimaadka.

 

Midnimo, Guul, iyo Horumar

 

Xildhibaan Barre Aaden Shire ( Gudoomiye).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Oo Sheegay In Maamulka Uu Wareejinayo Haddii Dadka Deegaanka Ay Dhistaan Maamul Loo Dhan Yahay.

 

August 20- 2006 Horn Afrik, Mogadishu , Somalia

 

Wasiirkii hore ee dib u hishiisiinta iyo dib u dajinta dowlada federaalka Soomaaliya Barre Aadan Shirre (Barre Hiraale) ayaa markii ugu horeysay sheegay in uu talada iyo maamulka gobalka ku wareejinayo dadka gobalka ku dhaqan haddii ay sameystaan maamul loo dhan yahay.

 

Xildibaan Barre ahna gudoomiyaha maamulka dooxada jubba ayaa marki ugu horeysay shaaciyay xili uu hadal ka hor jeedinayay boqalaal qof oo ka qeyb qaadanayay tababarka Hay`adda CRD ay u qabatay xubnaha gudiga farsamo ee dhismaha maamul gobaleedka Jubba Land ayuu sheegay in hadii la arko maamul dhameystiran oo ay sameystaan dadka deegaanka uu ku wareejinayo talada isla markaana uu ka mid noqonayo halka ay ka joogaan dadka kale ee caadiha ah .

 

“Waxaan ahay iminka xildibaan waxaan doonayaa in aan idinka tago maamul aad idinku sameystaan oo aan hogaanka ku wareejiyo ayaan doonayaa “ sida waxaa yiri mudane Hiiraale.

 

Hadalkaani ayuu markii uu jeedinayay gudoomiyaha isbaheysiga dooxadajubba ayaa waxaa joogay dhamaan saladiinta iyo hogamiyaasha dhaqanka baelaha deegaanka kuwaasi oo lagu marti qaaday ka qeyb galka xaflad malaintii shalay lagu furayay siminaarka kaasi oo la siinayay xubnaha gudiga farsamo ee dhismaha maamulka Jubba Land.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this