Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden oo ka digay in weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka IRAN.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in aanu taageereyn in Israa’iil ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka ee dalka Iiraan, taas oo jawaab u noqon karta gantaaladii ay Iiraan salaasadii ku garaacday Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka, balse looga baahan yahay in ay si feejigan u sameeyaan.

Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka.

Dhanka kale, madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh-kiyan, ayaa sheegay in Texraan ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxaa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Texraan ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this