Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo todobaadkan shidaal baadhis ka samaynaya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka toddobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar.

Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo ku saabsanaa sahaminta karboonka saddex baloog oo loo qoondeeyay inay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska la soo gabagabeeyey bishii Luulyo, Turkiye waxay yeelan doontaa xuquuq gaar ah si ay u sahamiso oo ay u soo saarto hydrocarbons ee baloogyada, kuwaas oo mid kastaa uu ku fadhiyo qiyaastii 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Labo ka mid ah baloogyada ayaa ku yaal meel qiyaastii 50 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya, halka ta saddexaadna ay ku taal meel 100 kilomitir ah xeebta.

Oruç Reis wuxuu sameyn doonaa cilmi-baaris seismic socon doonta bilo, taas oo horseedi karta sahaminta, qodista iyo suurtagalnimada daahfurka, ayuu yiri wasiirku mar hore.

Bayraktar oo heshiiska ku tilmaamay mid “tallaabo taariikhi ah” u ah labada dal ayaa sheegay in markabka ay la socdaan 50-shaqaale ah iyo shan markab oo taageero ah oo ku wajahan Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this