Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha IRAN oo Israa’iil u diray digniin adag iyo wararkii ugu dambeeyay xiisadda bariga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen weerar yoolkiisa la gaadhay oo ka dhacay meel ku dhow badhtamaha caasimadda Lubnaan ee Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shan qof la dilay.

Israa’iil ayaa soo saartay baaq cusub oo ku saabsan in dadka rayidka ah ay iskaga baxaan qeybo ka mid ah koonfurta Beirut – oo ah aagga ay ku badan tahay Xisbullah, halkaas oo inta badan weerarrada cirka ah lagu beegsado. Goor sii horreysay, warbaahinta Suuriya ayaa sheegtay weerar qorsheysan oo ka dhacay Dimishiq.

Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee Israa’iil ku dhufato meel u dhow badhtamaha Beyruut — dhowr mitir uun bar jirta baarlamaanka Lubnaan.

Waxaa kaloo dhacay shan duqeyn kale oo xalay lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaal xaafadda koonfureed ee Dahieh.

Duqeymahaan ayaana yimid kadib markii Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheegeen in sideed askari lagu dilay dagaal ka socda koonfurta Lubnaan, taasoo ah khasaarahii ugu horreeyay ee soo gaara tan iyo markii howlgalada dhulka ee ciidamada Israa’iil ay Lubnaan ka wado uu bilowday, sida ay sheegeen.

Xisbullaah ayaa sheegtay inay burburiyeen taankiyada Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka waxayna ku adkeysatay inay haystaan rag iyo hub ku filan si ay dib ugu celceliyaan ciidamada Israa’iil.

Ciidamada ayaa ku dhawaaqay in ciidamo infantry ah iyo ciidamo gaadiidka ay ku biireen howlgalka au ku doonayaan inay ku burburiyaan waxa ay ku tilmaameen “kaabayaasha argagixisada” ee tuulooyinka xuduudda Lubnaan.

Duqeyntii ugu dambeysay ee xalay, saddex qarax ayaa laga maqlay Dahieh, oo ku yaal xaafadaha koonfureed ee magaalada.

Waxaa kale oo jiray laba duqeyn kale oo lagu qaaday Dahieh, taasoo timid ka dib markii IDF ay dadka ku nool agagaarka kaga digtay in ay beegsanayaan waxa ay sheegeen inay yihiin xarumo ay leedahay Xisbullaah.

Ka hor intaan la qaadin duqeyntii xalay, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 46 qof lagu dilay 85 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyada oo aan la kala soocin dadka caadiga ah iyo dagaalyahanada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in rabshadaha ka socda Bariga Dhexe ay tahay in la joojiyo.

Mr. Guterres wuxuu si xooggan u cambaareeyay weerarkii gantaallada baaxadda weyn ee Iran ay ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Isagoo ka hadlaya kulan degdeg ah oo Golaha ka dhacay, wuxuu mar kale ka digay khatarta dagaal goboleed, isagoo sheegay in dababka ka socda Bariga Dhexe ay isu bedelayaan holac weyn.

“Waa waqtigii la joojin lahaa silsiladda xun ee colaadaha is-daba joogga ah ee dadka Bariga Dhexe toos ugu halista aarsi kasta waxay u adeegaysaa marmarsiiyo tan xigta. Mana iska indho-tiri karno ku xadgudubka joogtada ah ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Silsiladdan qaniinyo baa qaniinyo kaa fujisada ah waa in la joojiyaa. Waqtiga ayaana gabaabsi ah.”

Danjiraha Israa’iil u fadhiya qaramada Midoobay Danny Danon – wuxuu sheegay in baaqyada la jeedinayo ee ku saabsan in colaadda la dejiyo ay kaliya dhiirrigelisay Iran.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan taageersanayn weerar ay Israa’iil ku qaaddo goobaha nuclear-ka ee Iran, taas oo looga jawaabayo weerarradii gantaallaha ee Tehran ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Wuxuu sidaas u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan Saldhigga Ciidan ee Joint Base Andrews ee Maryland, kahor inta uusan u ambabixin booqashada goobaha ay ku dhufatay Duufaanta Helene.

Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezesh-kiyan – oo booqasho ku jooga Qatar – ayaa sheegay in Tehran ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Tehran ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran.

“Amniga gobolka waa amniga dhammaan Muslimiinta, mana doonayno wax dagaal iyo dhiig daadin ah. Tan iyo markii aan xilka madaxweynenimo qabtay, khudbaddayda kasta waxaan xoogga saarayey dadaalkeenna nabadda iyo amniga.”

Waxa uu sidoo kale Israa’iil uga digay inay qaaddo tallaabo argoosi oo ka dhan ah Iran.

“Qaran ama gobol midna horumar ma samayn karo iyada oo dagaal jiro. Waxaan ku khasbanaannay inaan ka jawaabno. Haddii Israa’iil go’aansato inay aargudato, waxay wajihi doontaa falcelin adag oo ka sii daran.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this