Deeq A. Posted October 2 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Laftagareen ayaa garoonka Aadan Cadde kasoo dagay, isaga oo wata askar ka tirsan ciidamadiisa ilaalada gaarka ah oo uu kasoo watay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxayna arrintan bannaanka keeneysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka. Ujeedka madaxweynahaa Koonfur Galbeed ayaa ah ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho. Sidoo kale Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga shaqeeyay sidii uu ku imaan lahaa caasimada, iyada oo loo diray ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka Asluubta, si ay ugu kala dabqaadaan labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo maamulka Laftagareen diiradda lagu saari doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda taagan, gaar ahaan soo afjarida khilaafka labada dhinac oo ay uga sii dartay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa iyagana imaanaya Muqdisho, marka laga reebo hoggaamiyaha Puntland, waxayna ka qayb-galayaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha oo ku soo aaday xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo shaki kala dhex dhigtay dhinacyadan. Waxaa qorshuhu yahay in shirkan lagu soo qaado arrimaha doorashooyinka oo uu muran xoogan ka taagan yahay, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda la’isku fahmin hanaanka loo wajahayo, xilli uu dhamaaday muddo xileedka madax goboleedyada. Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada, waxaa soo baxa is qabqabsiyo u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, kaas oo dhaliyo kala tag siyaasadeed, inkastoo inta badan ay kusoo baxdo beesha caalamka, kadibna xal waara laga gaaro. The post Lafta-gareen oo ciidamo la yimid MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites