Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo Maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1727877959992.jpg?resize=720%2C48

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka oo uu Shir-guddoomiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee furmay looga arrinsanayo Arrimaha Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada iyo sidoo kale Dimuqoraaddiyada oo loola jeedo Hannaanka Doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo Maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this