Deeq A. Posted October 2, 2024 Xeeldheereyaasha dunida ee aqoonta u leh arrimaha militariga iyo sirdoonka ayaa si weyn u fallanqeynaya weerarkii ballaarna ee Iran ay saaacado ka hor ku qaaday maamulka Israa’iil. Qubarada ayaa tilmaamay in weerarkani uu gebi ahaanba ka duwanaa midkii bilo ka hor ay Iran qaaday, ayadoo tilmaamay in boqolkiiba 80 gantaalladii ay ciidamada Iran rideeni ay ku guulaysteen inay ku dhacaan goobihii loogu talo-galay, halka boqolkiiba 30 ay Israa’iil ka hortagtay. Weerarkan oo la sheegay inuu jawaab u yahay dilkii Ismaaciil Haniyeh ayaa yimid muddo dheer oo aamusnaan ah ka dib, taas oo keentay in Israa’iil ay aamintay in Tehran aanay wax aargoosi ah sameyn doonin. Sidoo kale weerarkan Iran waxay u adeegsatay gantaallada ballistic-ga ah ee codkooda ka dheeraya, halka kii hore ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay waqti dheer ku qaadanayso inay gaaraan bartilmaameedkooda, taas oo Israa’iil u fududaysa inay intooda badan ka hortagtay. Dhanka kale warbaahinta Israa’iil ayaa warinaysa in tiro badan oo ciidamada ka mida isbitaallada la geeyay ka dib weerarkii Iran, balse weli lama hayo xogta rasmiga ah ee waxyeellada duqeymahan oo la filayo inay tahay culus. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites