Deeq A. Posted October 2 Magaalada Muqdisho ayaa la filaayaa in uu ka furmo maalmaha soo socda shirka golaha wadatashiga qaran oo ka kooban dawlada federaalka, madaxda dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan waxaan ka qeyb gali doonin maamulka Puntland oo labadii Shir ee hore ka maqnaa. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa goor dhow lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha. Villa Somalia ayaa ajandaha shirka ku sheegtay in looga arrinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka , Doorashooyinka la dagalaanka Al-shabaab. Shirkaan oo uu Gudoomin doonna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadii laga xoreeyay Shabaab iyo sii amba qaadida howlgalka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites