Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ASAD oo qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib magacaabistiisi (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   
dIYAANO.jpg?fit=1600%2C1066&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horeysay, kadib magacaabisitii Khamiistii lasoo dhaafay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Taliyaha cusub iyo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka kasii dagaya ee Booliska General Sulub Axmed Firin.

Diyaano iyo Fartaag ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee hoggaannada iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka Booliiska, wuxuuna wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey xafiiska taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha cusub S/guuto Asad  Cusmaan Cabdulaahi.

Sidoo kale taliye Asad Diyaano ayaa faray saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka  Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga sugayaa isbeddal iyo inuu horay usii wado wajibaadka laga rabo Booliska Soomaaliyeed.

Arrimaha ugu muhiimsan ee horyaallo ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada amniga caasimada oo inta badan weeraro ka fuliso Shabaab iyo horumarinta ciidanka Booliska.

461766467_1031203819046224_8311287410032 461767367_1031203835712889_6072212340576 461905399_1031203809046225_8447862869718 dIYAANO.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Taliye ASAD oo qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib magacaabistiisi (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this