Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Japan oo is-casilay iyo xogta ninka beddelaya

Recommended Posts

Deeq A.   
1x-1.webp?fit=2000%2C1333&ssl=1

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa aroornimadi hore ee Talaadada maanta ah is casilay.

Fumio ayaa sidoo kalena kala diray golahiisi wasiirrada, tallabadaas oo waddada u xaareya in kursiga uu banneeyay uu ku fariisan doonto Shigeru Ishiba.

Xoghayaha Golaha Wasiirrada Yoshimasa Hayashi ayaa warbaahinta u sheegay, in is casilaadda Kishida iyo dhammaan wasiirada ay kasoo baxday kulan uu saaka la yeeshay golaha wasiirrada.

Ninka la filayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan Shigeru Ishiba ayaa Jimcihi loo doortay guddoomiyaha Xisbiga Liberal Democrat-ka.

Sida caadada ah, qofka noqdo hoggaamiyaha xisbul xaakimka Japan ayaa soo dhisa xukumadda soo socota ee dalkaasi.

Goor danbe oo Talaadada maanta ah ayaa lagu wadaa in xilka cusub ee Ishiba lagu xaqiijiyo cod uu u qaadi doono baarlamaanka.

Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa aqlabiyaddiisa heysta xisbiga uu madaxda u yahay. Isla Talaadada maanta ayaa lagu wadaa in Ishiba uu ku dhawaaqo golahiisa cusub ee wasiirrada.

The post Ra’iisul Wasaaraha Japan oo is-casilay iyo xogta ninka beddelaya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this