Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $68.5 milyan oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1727775550683.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya $68.5 milyan (Dollar) kula saxiixatay dowladda Mareykanka.

Heshiiskani waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott iyo Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax Beenebeene iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo dhinac ah.

Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya.

“Deeqdan waxaan ku xoojin doonaa waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

Heshiiskani ku kacaya $68.5 milyan ayaa ballaarin doona barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la dardargeliyay, iyadoo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, lana dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taas oo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sannad walba. 

“Heshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka” ayay tiri Catie Lott, Madaxa USAID ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $68.5 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this