Deeq A. Posted October 1, 2024 Inta la xaqiijiyay Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, halka sagaal kalena ay dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay caasimadda magaalo madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Dadka duqeymaha lagu diley ayaa waxaa kamid ah gabar wariye ah oo ka tirsanayd TV-ga ay maamusho dowladda Suuriya, sida laga soo xigtay masuuliyiinta. Muuqaal ay laga soo duulay goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa muujinaya gaadiid ku gubanaya meel u dhow dhismayaal ku yaalla caasimadda Dimishiq. Si kastaba ha ahaatee dowladda Suuriya iyo maamulka Israa’iil midkoodna si faahfaahin ugama hadlin duqeymahan nolosha dadka rayidka ah galaaftay, waxayna dhacdadani ku soo beegmaysaa xilli militariga Yuhuuddu uu weerarro aan kala joogsi lahayn ku hayo dalka deriska ah ee Lubnaan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites