Meiji Posted August 16, 2009 Boqolaal arday oo maanta u fariistay Imtixaanka ogolaashaha Jaamacadda Muqdisho August 16, 2009(HOL): Waxaa maanta u fariistay Imtixaanka ogolaashaha Jamaacadda Muqdisho boqolaal arday oo kasoo qalin jabiyay dugsiyada sare ee dalka iyo dibadda, una soo gudbay waxbarashada sare (Jaamacadeed). Imtixaankan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa ardayda ka muuqday sida ay ugu hamuun-qabaan uguna heelan yihiin u soo gudbidda marxaladda Jaamacadeed; arday walba ayaa ku galayay Imtixaanka kuliyadda uu doonayo inuu ku biiro. Madaxa Qaybta Imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa ku boorriyay ardayda Imtixaanka galayay inay dadaal dheeraad ah muujiyaan isagoo dhanka kale u mahadceliyay waalidiinta Soomaaliyeed ee u doortay jaamacadda Muqdisho inay ubadkoodu wax-ka-bartaan. Sidoo Dr. Max'ed wuxuu u mahadceliyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay kaalinta ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka. Jaamacadda Muqdisho oo aasaasay 1997-kii, ayaa waxay leedahay 7-kulliyadood iyo 21-taqasus oo cilmiyada kala duwan ah, waxaana ka qalin jabiyay 12-Dufcadood, iyadoo dufcaddii 13-aad ay noqonayaan kuwa Imtixaanka u fariistay. Jaamacaddu waxay xiriir la leedahay Jaamacadaha caalamka; waxayna dhawaan kaalinta 40-aad ka gashay ururka Jaamacadaha Qaaradda Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted August 16, 2009 It is truelly inspiring to see these young men and women educating themselves amids a war between religious pretenders and foreign-created regime. Mogadishu University has proven its capacity to operate in the most unstable cities of the world, and for that the staff of the university should be credited. http://www.mogadishu university.com/2009/ mogadishu_en/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 16, 2009 Despite the odds ............ Maasha Allah Quote Share this post Link to post Share on other sites
MAXIMUS POWERS Posted August 16, 2009 Inspiring! Quote Share this post Link to post Share on other sites